Shil baabuur ka ka dhacay  xaafadaha Digaale oo katirsan Degmada Maxamed Mooge ee caasimada Hargeysa waxa ku dhaawacmay laba qof, iyoo ay halkaasi ku burburtay  gaadhigii shilka galay oo ahaa  Booyad nooca biyaha dhaamiya ah.

Xaafadan digaale oo tan iyo markii la aasaasay ka gonayd degmada maxamed mooge iyo dhamaan xaafadaha caasimada hargeysa, taasi oo ay sabab wadooyin la’aan xaafadaas ka jira.

Hooyooyinka xaafadaas ku dhacan oo warysi siiyey tv-ga qaranka somaliand ayaa uga warbixiyey  shilka halksaasi ka dhacay iyo wado xumaanta ka xaysata , waxayna cid wal oo arintaasi khusayso ugu baaqeen in loo sameeyo wadooyin , maadaama had iyo jeer wado la’aantu ay xaafada digaale iyo bulshada ku dhaqan ku keento khasaare naf iyo maal leh.

 

war celin