Rasuulka Allah (scw) wuxu xadiis ku yidhi :

” Qofkii joogteeya Istiqfaarta Allah (sw) wuxu uga yeela hami kasta faraj, cidhiidhi kastana wuxu uga yeelaa makhraj (Meel uu ka baxo), wuxuuna ka arsaaqa meel aanu filayn”

Werin  Abu-Da’ud. Hadaba hadii danbiyadaadu tiro bateen haka quusan Naxariista Allah (sw) toobad keen oo u Noqo Allah (sw) . Abuu Umaamah al-Baahili (RC) wuxuu sheegay inuuu dhageystay khudbadii Rasuulka Allah (S.C.W.) uu jeediyey xajkii ugu danbeeyay waxaan uu yidhii: ” Xurmad iyo tixgelin gaara siiya Allah (sw) iyo amaradiisa, oo ooga shanta salaadood maalin kasta, bisha Ramadaan sooma, bixiya sekada, maqlana oo adeeca kuwa xilka iyo mas’uuliyadda idin haya (wanaagga ku adeeca) waxaad geli doontaan markaa Jannada Rabbigiin.  Werin: Tarmidi Xadiis Xasan ah

 

war celin