Isu duwaha wasaaradda Caafimaadka ee gobolka Sanaag iyo maamulka degmada Gar adag ayaa xilkii u kala wareejiyey maamulihii hore ee wasaaradda horumarinta caafimaadka ee degmada Gar adag iyo maamulaha cusub ee dhowaan lasoo magacaabay xilkaas.

Munaasibadda xil wareejinta oo ka qabsoontay Hoolka guriga martida ee degmada Gar adag ayaa waxa sidoo kale kasoo qayb galay Shaqaalaha wasaaradda Caafimaadka degmada Ga adag,maamulka degmada Gar adag,Taliyeyaasha Ciidamada kala duwan ee Somaliland ee degmada Gar adag, Cuqaal, madax dhaqameed, aqoonyahan, dhakhaatiir,haween,dhalinyaro iyo ururadda bulshada ee degmada Gar’adag ee gobolka Sanaag, waxaana ugu horeyn munaasibadaasi hadal kooban ka jeediyey  maamulihii hore ee wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland ee degmada Gar’adag Maxamed Siciid Ismaaciil,waxaanu ka warbixiyey waxyaalihii u qabsoomay mudadii uu xilka hayey,isaga oo tilmaamay in waqtigan uu wasaaradda kaga tegaayo 60 qof oo shaqaale ah, lix dhisme iyo hal gaadhi.

Waxa isna halkaas ka hadlay Maamulaha cusub ee wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee degmada Gar’adag,waxaanu tilmaamay in uu halkaas kasii wadi doono shaqada ay  wasaaraddu bulshada degmada Gar adag iyo deegaamada ku xeeranba u hayso.

Waxa iyaguna halkaas hadalo kooban ka jeediyey xubno kamid ah qaybaha kala duwan ee bulshada degmada Gar adag,iyaga oo si weyn usii sagootiyey Maamulihii hore ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee degmada Gar adag ,waxaanay soo dhoweeyeen maamulaha cusub,iyaga oo balan qaaday in ay si weyn ula shaqayn doonaan.

Isu duwaha wasaaradda Horumarina Caafimaadka ee gobolka Sanaag iyo Maamulka Degmada Gar’adag oo iyaguna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in maamulihii hore ee wasaaradda Caafimaadka ee degmada Gar’adag uu wax badan qabtay,iyaga oo cadeeyey in inta badan degmooyinka hoos yimaada degmada Gar’adag ay xarumo caafimaad lee yihiin, qaarkoodna lagu talo jiro in hadda loo sameeyo.

Maamulaha Cusub Ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland ee Degmada Gar adag Oo Xilkii La Wareegay

war celin