nadiifinayay waddooyinka

Maamulka dawladda hoose ee degmada Axmed Dhagax ayaa waddo bannayn ka sameeyeen xaafadaha Masallaha iyo Badhka ee degmadaasi.

Waxaana hoggaaminayay hawlgalkaasi lagu bannaynayay waddooyinka guddoomiyaha degmada Axmed Dhagax ee caasimadda Hargeysa Maxamed Daa’uud Cige. nadiifinayay waddooyinka

Maamulka dawladda hoose ee degmada Axmed Dhagax ayaa sheegay in hawlgalkan lagu nadiifinayay waddooyinka uu xidhay geedka Garanwaagu, waxaana ay ugu baaqeen bulsho weynta ku dhaqan degmadaasi inay qayb ka noqdaan dhaqdhaqaaqyada lagula dagalaamayo geedka garanwaaga oo ay sheegeen inuu dhib weyn ku hayo magaalada, iyo guud ahaan isku socodka Somaliland.

Geesta kale, waxay ku dardaareen bulshada inay ka taxddaraan qashinka iyo guddaafadda la dhigo goobaha caamka ah oo ay sheegeen in dhibaato weyni ay ka dhalanayso, taasoo khatar gelin karta badqabka guud ee bulshada.

Maamulka Dawladda Hoose Ee Degmada Axmed Dhagax Oo Furay Waddooyin Xidhnaa

war celin