Maamulka dawladda hoose ee degmada Gebilay ayaa agab ciyaartooy kala wareegay mid ka mid ah ciyaartoyda qurbo joogta ah ee gobolkaasi.

Axmed Dhoodhe oo ka mid ahaa ciyaartoydii caanka ahaa ee Somaliland ee hadda ku nool dalka dibaddiisa ayaa deeq agab ciyaartoy ah ugu deeqay dhallinyarta ciyaartoyga ah ee gobolkaasi, waxaana ka guddoomaya maayarka degmada Gebilay Maxamed Aamiin Cumar Cabdi, oo uga mahad celiyay ciyaaryahanka deeqdaasi uu soo gaadhsiiyay gobolka, waxaana uu xusay in koob loogu magac daray ciyaaryahan Dhoodhe lagu qaban doono degmada Gebilay.

Qaar ka mid ah iyaguna dadka daneeya isboortiska gobolka iyo ciyaaryahanno halkaas ka hadlay ayaa ku ammaanay Mr. Dhoodhe kaalinta dhiirigelinta iyo waxtarka uu ugu jiro ciyaaraha gobolka, iyagoo uga mahad’celiyay deeqdaasi uu soo gaadhsiiyay bahda ciyaaraha gobolka Gebilay.

Geesta kale, ciyaaryahan Axmed Dhoodhe oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ka mahad’naqay soo dhaweynta loo sameeyay, waxaana uu tilmaamay in agabkaasi uu soo gaadhsiiyay ciyaartoyga gobolka Gebilay ay ka ahayd uun inuu dhiirigeliyo barbaarta ciyaaraha kala duwan ee gobolka, isagoo ugu baaqay qurbojoogga kale ee gobolka inay gacan ka geystaan sidii loo taageeri lahaa ciyaaraha kala duwan ee gobolka.

Guddiga ciyaaraha ee gobolka Gebilay iyo xubnaha golaha deegaanka ee degmada Gebilay ayaa iyaguna ka mahad’naqay taageerada ciyaaryahan Dhoodhe ee ciyaaraha gobolka.

war celin