maamulka dawladda hoose ee degmada Tog wajaale oo kaashanaya bulshada ayaa olole naadaafadeed oo lagu kala qaadayo godka qashinka lagu rido iyo xabaalaha magaalada ka fuliyay degmadaasi.

Dawladda hoose ee degmada iyo shacabka Tog wajaale ayaa ka qayb qaatay maanta olole nadaafadeed oo laga fuliyay degamadaasi, guddoomiyaha degmada Togwajaale oo halkaasi ugu horreyn ka hadlay ayaa sheegay inay kala rareen gabi ahaanba godka xashiishka lagu qubo ee degmada iyo xabaalaha, isagoo tilmaamay inay gebi ahaanba ay aaseen godkii xashiishka ee dhibta ku hayay xabaalaha Wajaale oo ay u sameeyeen goob gaar ah.

Xoghayaha dawladda hoose ee degmada Wajaale Cabdilaahi Xasan Samaale ayaa uga mahad’naqay ururrada bulshada ee horumarinta degmada ee kala qayb galay ololaha nadiifinta iyo shacab weynaha kale ee kala qayb qaatay sidii loo basrin lahaa xashiishka magaalada.

Gebo gebadii isu duwaha wasaaradda diinta iyo awqaafta ee degmada Tog wajaale Sheekh Khadar Sheekh Cabdilaahi ayaa uga mahad’celiyay dhammaan dhinacayda kasoo qayb galay ololaha lagu aasayo godka xashiihska ee dheegga ku hayay xabaalaha magaalada, kaasoo dhibaato ku hayay dadka xabaalaha qodaya. Waxaana uu intaas ku daray in diintu ay adkaysay nadaafadda.

Maayarka degamda Tog wajaale Cabdiraxmaan Yuusuf ayaa warbaahinta u sheegay in ololahan ay degmo ahaan soo wadeen muddo sannad ah.

war celin