Maayarka Boorama Oo Furay Xafiiska Cusub Ee Ururka Sarifleyaasha

0

Maayarka magaaladda Boorama Maxamed Axmed Warsame, ayaa maanta xadhga ka jaray xafiis cusub oo ay ururka sarifleyaasha Somaliland ee Wadda Jir ka furteen magaaladda Boorama.

Munaasibadii xadhig ka jarista xafiiskaasi cusub waxaa ka soo qayb galay maayarka Boorama Maxamed Axmed Warsame, guddoomiyaha guud ee ururka sarifleyaasha Somaliland Barkhad Axmed Coofiye.
Guddoomiyaha baanka dhexe ee laanta Boorama, guddoomiyaha goboladda galbeedka ee ururka sarifleyaasha Somaliland xaaji Idiris Aadan Xasan.
Masuuliyiin ka socday shirkadda Telesom, xoghayah ururka sarifleyaasha Somaliland, xubno ka mid aha golaha deegaanka ee degmadda Boorama iyo masuuliyiin kale.
Xafiiskan ay ururka sarifleyaasha Somaliland maanta ka furteen magaaladda Boorama ayaa noqaya kii afraad oo laga hirgeliyo goboladdda dalka, sida uu sheegy guddoomiyaha goboladda galbeedka ee ururka sarifleyaasha Somaliland xaaji Idiris Aadan Xasan.

Maayarka Boorama ayaa soo dhaweeyay xafiiskan cusub ee ururka sarifleyaasha Somaliland ay ka furteen magaaladda Boorama, waxaanu sheegay in sarifleyaashu ay addeeg fiican u hayaan bushadda.

Maayarka Boorama Oo Furay Xafiiska Cusub Ee Ururka Sarifleyaasha

war celin