Madaxweynaha Somaliland iyo Wefti uu hoggaaminayo oo Safar Shaqo Ugu Baxay Gobolka Saaxil, Iyo soo dhawayn diiran oo loo sameeyay

0

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo oo Safar shaqo maanta kaga ambobaxay caasimadda Hargeysa, ayaa si ballaadhan loogu soo dhaweeyey degmooyinka Dacar-budhuq, Abdaal iyo tuulooyinka kale, waxana ay gaadheen laguna qaabiley magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil.

Madaxweynaha iyo weftigiisa oo ay xubno ka yihiin guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee golaha wakiillada, Mudane Siciid Mire Faarax (Giirre) xubno ka tirsan golaha wasiirrada, siyaasiyiin iyo madax kala duwan oo xukuumadda katirsani, ayaa markii ay gaadheen magaalada Dacar-budhuq ee xarunta degmada Laasgeel, waxa halkaas soo dhaweyn diirran ugu sameeyey shacabka reer Dacar-budhuq oo lulaya caleemo qoyan iyo calanka Jamhuuriyadda Somaliland, islamarkaana ay hoggaaminayaan masuuliyiinta degmadu, waxana uu madaxweynuhu halkaas ka jeediyey khudbad uu shacabka ugaga mahadnaqayo soo dhaweynta waddaniyaddu ka muuqato ee ay ku qaabileen.

Dadweynaha degmada Abdaal, ayaa iyaguna markii ay madaxweynaha iyo weftigiisu soo gaadheen si mug leh halkaas ugu soo dhaweeyey, waxana ay ku qaabileen wejiyo farxad leh oo ay ka muuqato taageero iyo niyadsami waddaniyad huwani.

Madaxweynaha iyo weftigiisa, ayaa markii ay gaadheen magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil, waxa halkaas soo dhaweyn aan kala hadh lahayn ugu sameeyey qaybaha kala duwan ee bulshada oo ay hormuud u yihiin maamulka gobolka Saaxil, xildhibaanno iyo siyaasiyiin gobolka kasoo jeeda, waxana madaxweynaha iyo weftigiisa oo ay hareero socdaan Boqollaal dadweyne ah oo soo dhaweeyey socod lug ah ku mareen shaaracyada waaweyn ee magaalada Berbera.Wabilaahi awfiiq

258590718 4469758119804673 8292628257922355989 n
257455393 4469761099804375 531194105721603369 n
257368562 4469760333137785 6352397691934764204 n
257561632 4469760696471082 7330051817440369585 n
258170477 4469760109804474 1823348682768758792 n
257726010 4469761586470993 5553866791155380715 n
257478694 4469759509804534 2170368187168589295 n
257806138 4469757939804691 8826317871692926816 n
257558838 4469759469804538 2150710519756111851 n

Madaxweynaha Somaliland iyo Wefti uu hoggaaminayo oo Safar Shaqo Ugu Baxay Gobolka Saaxil, Iyo soo dhawayn diiran oo loo sameeyay

war celin