Madaxweynaha Somaliland Oo Tacsi U Diray Mas’uul Hore Oo Geeryooday

0

Madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhambaal tacsi ah u diray qoyskii, qaraabadii iyo shacabka Somaliland ee uu ka baxay Marxuum Cumar Maxamuud Nimcaale (Cumar Yare).

Dhambaalka tacsida oo kasoo baxday madaxtooyada Somaliland soona gaadhay xafiiska wararka ee SOLNA ayaa u dhignayd sidan:-

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Cumar Maxamuud Nimcaale (Cumar Yare) oo ku geeriyooday Xalay Caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ku sifeeyey siyaasi ruugcadaa ah oo ka baxay qaranka Somaliland, xukuumadii Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal-na, ka soo qabtay xilal Wasiirnimo oo kala ah wasiirkii Arrimaha Gudaha iyo wasiirka Gashaandhiga, isagoo sidoo kale ahaa saraakiishii lagu aasaasay ciidanka Booliska ee Somaliland, markii Somaliland ay xornimadeeda lasoo noqotay, door muhiim ahna ku lahaa nabadayntii shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland iyo dib u dhiskii dalka, waxaana lagu xasuustaa inuu ahaa dadka ay ku dheertahay qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

war celin