Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne uu Cafis Guud u fidiyey Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan.

Wareegtadan oo uu ku Saxeexan yahay Madaxweynaha JSL Mudane Muuse Biixi Cabdi oo Nuqul ka mid ahi soo gaadhay Wakaalladda Wararka Somaliland Solna ayaa u dhignayd Sidan:-

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Xubintiisa 5aad;

Markaan Arkay: Xeerka Ciqaabta Guud, Qodobkiisa 149;

Markaan Tixgaliyey: Warbixinta Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta kuna taariikhaysan 17/07/2021;

Markaan Arkay: Soo-jeedinta Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka kuna taariikhaysan 17/07/2021;

Markaan Tixgaliyey: Munaasibaadda Ciidal Adxa awgeed ee sannadka 2021, kuna beegan 1442;

Waxaan Go’aansaday:- In laga bilaabo taariikhda maanta aan Cafis Guud u fidiyo Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan, oo tiradoodu dhan tahay 279 (Laba Boqol Sagaal iyo Toddobaatan) maxbuus.

Cafiskani saamayn kuma laha xuquuqda madaniga ah iyo raadka ciqaabeed ee ka dhalanaysa dembiyadda ay ku xukunnaayeen, sida ku xusan qodobka 92aad ee Xeerka Ciqaabta Guud.

Cafiskan waxa fulinaya Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, iyada oo la raacayo liiska Maxaabiista.

war celin