Madaxweynaha Somaliland Oo Wareegto Madaxweyne Xilka Qaadis Iyo Magacaabid Ku Sameeyay

0

Hargeysa (Xogside) – Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegto Madaxweyne xilka qaadis iyo Magacaabid ku sameeyay badhosaabka gobolka Sanaag.Madaxweynaha Somaliland Oo Wareegto Madaxweyne Xilka Qaadis Iyo Magacaabid Ku Sameeyay

Badhosaabkii hore ee gobolka Sanaag Maxamed Cilmi Xuseen, sidaad la socoto xilka Qaranka ayay dabcigiisa tahay inuu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta, sidaa darteed waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad haysay. Waxaan kaaga mahad celinayaa muddadii aad haysay xilka Qaranka.

MAGACAABID

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa, iyo Waaya-aragnimadiisa;

Markaan ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi;

Waxaan Go’aansaday;

In Axmed Cabdi Muuse Warsame, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Sanaag ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland Oo Wareegto Madaxweyne Xilka Qaadis Iyo Magacaabid Ku Sameeyay

war celin