Isu duwaha wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland ee gobolka Buuhoodle ayaa Magaaladda Buuhoodle ee xarunta gobolka Buuhoodle maanta si rasmi ah uga daah furay tallaalka xannuunka Corona Virus.

Isu duwaha wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland ee gobolka Buuhoodle Dr Maxamed Xasan Faarax oo ka hadlay goobtii lagu daah furaayey tallaalka Xannuunka Corona Virus ayaa bulshada gobolka Buuhoodle ugu baaqay in ay tallaalkaas qaataan, si ay ka hortag iyo difaacba ugu helaan xannuunka halista badan ee Corona Virus,waxaanu si gaar ah ugu booriyey in ay tallaalkan qaataan dadka da’da ah ee waaweyn iyo dadka xannuunada halista ah la nool.

Isu duwaha wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland ee gobolka Buuhoodle Dr Maxamed Xasan Faarax ayaa tilmaamay in tallaalka maanta laga daah furay magaaladda Buuhoodle uu yahay labada talaal ee mid hore loo isticmaali jiray iyo talaalka Cusub ee Johnsons and Johnsons.

Isu duwaha wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland ee gobolka Buuhoodle waxa uu cadeeyey in ay muddooyinkii u dambeeyey magaaladaas ka wadeen wacyigelin la xidhiidha qaadashada tallaalka Corona Virus iyo ka digtoonaanta xannuunkaas,isaga oo sheegay in ay sii wadi doonaan wacyigelintaas.

Waxa iyaduna halkaas ka hadashay Faysa Maxamuud Xaaji oo bulshada gobolka Buuhoodle iyo kuwa degmada Buuhoodleba ugu baaqday in ay ka digtoonaadaan xannuunka Corona Virus,iyada oo sidoo kalena usoo jeedisay in ay qaataan talaalka xannuunka Covid-19,waxaanay cadaysay in ay kooxaha tallaalka sida tegi doonaan goobaha miyiga ah iyo xaafadaha magaaladda Buuhoodleba.

war celin