Markii uu ninka taajirka ahi soo galay huteelka dad badan ayaa ku soo ururay iyagoo badankoodu salaan iyo soo dhowayn u sameynayey. Muujinayayna bulshada qiimaha uu ku dhex leeyahay.

Markii uu dhamaystay nasashadiisa ayuu si degdeg ah uga baxay huteelka isla markiiba wiil dhalinyaro ah ayaa ka daba dhowaaqay isagoo u yeedhaaya. Wuxu u soo eegay si xaqiraadi ka muuqato, isagoo gacantiisa diidmada ku muujiyay oo raaciyay odhaahda “Maxaad iigu yeedhaysaa ?“

Wiilka ayaa ku sii ordayay xagiisa , laakiin taajirki  wuu iska watay socdkiisa isagoo leh “ Meel kasta way kugu shaxadayaan, baahi badanaa?

 

Wiilka ayaa soo gaadhay , waxaanu udhiibay shandad isagoo ku yidhi “ Mudane, Waxay kaaga dhacday huteelka gudihiisa boorsadan yari”.

Ninkii ayaa eegay mise waaba boorsadiisa lacagtu ugu jirtay”. Wuxu tiriyay lacagtii  wayna u dhamaatay. Wuxu u mahad naqay wiilka yar isagoo siiyay lacag. Laakiin wiilka yar ayaa diiday oo ku yidhi “Ma qaadanayo, weligayba aaminaadayda kuma iibsan lacag”.

Dadka hantida haysta waxay badankoodu aaminsan yihiin in markasta iyaga loo baahan yahay, laakiin maaha sidaasi, waxay ka mid yihiin aadamiga mar iyaga loo baahdo iyo mar iyagu dadka u baahdaan, waana sunaha nolosha Aadamiga.

 

war celin