Masuuliyiin kormeeray Jidka Dawga Sheikh

0

Masuuliyiin kormeeray Jidka Dawga Sheikh

Xogside – Maareeyaha Wakaaladda Horumarinta Wadooyinka Eng Mawlid Nuux Ibraahim Taani ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Degmada Sheekh gaar ahaan Dawga Sheekh oo ay ka socoto banaynta iyo dayactirka biyo mareenada Dawga, banaynta Parking ka Dawga iyo Meelaha ay dhagaxdu kasoo daataan oo khatar ku keenta Dawga oo ay Wado Wakaaladda Horumarinta Wadooyinku.Masuuliyiin kormeeray Jidka Dawga Sheikh
Maareeyaha ayaa kormeerkaasi waxa ku wehelinayay Maamulka Degmada Sheekh oo uugu horeeyaan Ku Xigeenka Duqa Degmada Maxamed Faarax Maxamed iyo Xoghayaha Fulinta Dawladda Hoose ee Sheekh Cali Xaaji Axmed oo iyagu ka mahadceliyay shaqadan Wakaaladdu ka hayso Dawga.Masuuliyiin kormeeray Jidka Dawga Sheikh
Madaxa Dayactirka Wadooyinka Wakaaladda Horumarinta Wadooyinka Eng Cabdiraxmaan Baaruud Xasan ayaa isna faahfaahin ka bixiyay sida ay shaqadu u socoto iyo halka ay marayso iyo mudada ay ku soo dhamayn doonaan guud ahaan shaqada.
Ugu dambayn Maareeyaha Wakaaladda Horumarinta Wadooyinka Eng Mawlid Nuux Ibraahim Taani ayaa ka waramay shaqada socota ee hawl wadeenada Wakaaladdu hayaan kuna booriyay in mar walba la ilaaliyo tayada shaqada.
Ugu dambayn waxa Maareeyuhu u mahaceliyay Masuuliyiinta Degmada Sheekh oo inta badan xil iska saara ka warhaynta dawga.Masuuliyiin kormeeray Jidka Dawga Sheikh
Masuuliyiin kormeeray Jidka Dawga Sheikh

war celin