Masuuliyiinta dawladda hoose oo qaabilay guddida dhaqaalaha ee golaha wakiillada

0

Hargeysa (Xogside) – Maayarka caasimadda Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge oo ay weheliyaan qaar ka mid ah xubnaha golaha deegaanka ee caasimadda Hargeysa ayaa qaabilay guddida dhaqaalaha, ganacsiga iyo maaliyadda ee Golaha Wakiillada ee Somaliland.Masuuliyiinta dawladda hoose oo qaabilay guddida dhaqaalaha ee golaha wakiillada

Maayarka caasimadda Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge ayaa sheegay in guddida dhaqaalaha, ganacsiga iyo maaliyadda ee golaha wakiilladu ay u yimaaddeen dawladda hoose hawlo shaqo oo la xidhiidha shaqada ay qabtaan, waxaana uu tilmaamay inay uga jawaabeen guddida dhaqaalaha wixii suaalo ay qabeen, isagoo xusay inay tani ka mid tahay wada shaqanta ka dhaxaysa hay’adaha dawladda.

Maayarku waxa uu intaas ku daray inay diyaar u yihiin markasta wada shaqaynta hayadaha dalwadda, isla markaana ay soo dhaweynayaan isla xisaabtanka iyo dabogalka hantida qaranka.

Guddoomiyaha guddida dhaqaalaha, ganacsiga iyo maaliyadda ee Golaha Wakiillada Cabdirashiid Muuse Cabdillaahi (Cago weyne) ayaa sheegay in dawladda hoose ee Hargeysa ay u yimaaddeen sidii ay u indho indhayn lahaayeen isla markaana ay u xog waraysan lahaayeen masuuliyiinta sar sare ee dawladda hoose ee caasimadda Hargeysa.

Guddoomiyihu waxa uu uga mahadceliyay masuuliyiinta dawladda hoose iyo guud ahaan shaqaalaha sida xilkasnimada leh ee ay u saa ajiibeen kulankooda, waxaana uu tilmaamay in guddi ahaan xogta ay heleen ay u gudbin doonaan gole weynaha.

Masuuliyiinta dawladda hoose oo qaabilay guddida dhaqaalaha ee golaha wakiillada

war celin