Masuuliyiinta Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Ee Gobolka Sool Oo Deeq Dawooyin Ah La Wareegay

0

Isu duwaha wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland ee gobolka Sool iyo masuuliyiinta wasaaraddaasi ayaa agab daawooyin ah kala wareegay Hayadda Alight.

Deeqdan daawada ah ee ay masuuliyiintani kala wareegeen Hayadda Alight ayaa loogu talo galay in la gaadhsiiyo xarumaha caafimaadka ee deegaamada gobolka Sool,waxaana ugu horeyn deeqdan daawada ah ka warbixiyey masuulka Hayadda Alight ee gobolka Sool Maxamed Cabdilaahi Xaaji, waxaanu tilmaamay in ay Hayaddu wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee gobolka Sool ku wareejiyeen deeq dawooyin ah ,isaga oo cadeeyey in ay gobolka ka fuliyaan shaqooyin Bani’aadannimo iyo taakulaynta dadweynaha.

Waxa iyaguna goobta dawooyinkan ay ku guddoomeen masuuliyiinta  Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee gobolka Sool ka hadlay Agaasimaha Waaxda Qorshaynta wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee gobolka Sool Xuseen Jaamac Saalax ,madaxa caafimaadka ee degmada iyo isu duwaha wasaaradda Horumarinta Caafimaadka gobolka Sool Maxamuud Xaaji Khaliif,waxaanay masuuliyiintani tilmaameen inay  Daawooyinkan gaadhsiin doonaan xarumaha caafimaadka ee degmooyinka gobolka Sool, iyaga oo hay’adda Alight uga mahadceliyey deeqdan daawada ah ee ay soo gaadhsiisay oo ay sheegeen in ay baahi weyn  u qabeen.

Masuuliyiinta Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Ee Gobolka Sool Oo Deeq Dawooyin Ah La Wareegay

war celin