Gabadh dalka Kiiniya u dhalatay ayaa ka codsatay maxkamadda dalkaasi in ninkeeda la xidho xabsi daa’im ka dib markii ay sheegtay inuu gacanteeda ku  gooyay baangad markii ay caruur dhali weyday.  Ninkan oo lagu magacaabo Stephen ayay maxkamadu ku eedayay isku day dil.

Gabadha  oo lagu magacaabo Jacqueline Mwenda Ngela ayaa  u sheegtay Wakaaladda wararka ee Associate Press in baadhitaano caafimaad oo lagu sameeyay uu cadeeyay in gacanta si ula kaca uu ninkeedu u gooyay  taasina ay xidhiidh la leedahay dhalma la’aanta. Waxayna cadaysay in ninkeedu aanu geyn dhakhtar ka dib markii uu geystay dhaawacaasi.

Kooxaha xuquuqda aadamiga  ayaa dhaleeceeyay falkan waxayna codsadeen in aan la iska indho tirin xadgudubka loo geysanayo dumarka iyo hablaha. Falkan ayaa ka dhacay magaalada Machakos oo koonfur bari ka xigta Caasimadda Nayroobi

war celin