Maxkamadda Gobolka Hawd oo Xukun Adag ku Ridday

0

 Xogside Maxkamadda Gobol/Degmo ee gobolka Hawd, ayaa xukun isugu jira xadhig iyo ganaax ku ridday shan nin oo lagu helay dambi ah inay ka ganacsaneyeen Maandooriyaha Khamriga oo lagu qabtay, kuwaasoo Maxkamadda la soo hortaagay laba kamid ah, kuwa kalena lagu raad-jooggo.

Dhegaysiga dacwada raggan maandooriyaha lagu qabtay oo ka socotay Maxkamadda, ayaa waxa u caddaatay inay dambiileyaal qaran yihiin, kuna kaceen fal ku liddi ah shareecada Islaamka, xeerarka iyo dastuurka dalka, taasoo ay ku mutaysteen ciqaabta lagu xukumay.

Xamdi Xasan Ismaaciil oo 25 jir ah, Ina Basra Cabdi, ayaa waxay Maxkamaddu ku xukuntay 8 sano oo xadhig ah, kaddib markii ay ku caddaatay inuu yahay caadeyste ka ganacsiga Maandooriyaha ah.

Sidoo kale, Mahad Cabdi Yuusuf oo 32 jir ah, ayay Maxkamaddu ku xukuntay shan sannadood oo xadhig ah

Maxakamadda gobolka Hawd, waxa kale oo ay xadhig min shan sannadood ah ku ridday Khadar Xasan Ismaaciil, Maxamed Ismaaciil Axmed iyo Faysal Maxamed Cabdilaahi oo dhamaantood maqaneyaal ah, isla markaana aanay hay’addaha nabad-gelyaddu gacanta ku dhigin, kuwaasoo xadhigga lagu xukumay uga bilaabmayo marka la qabto.

Waxa kale oo ay Maxakamaddu xukun ganaax ah ku riday Gaadhiga lagu siday Khamriga oo ay Boolisku gacanta ku hayaan.

Garsooraha Maxkamadda Gobol/Degmo Hawd, Sheekh. Cabdilaahi Maxamuud Aw Cabdi oo xukunka ku dhawaaqay, ayaa sidoo kale amar ku bixiyey in lagu gubo shixnada Khamriga ah ee qabtay Maxkamadda horteeda.Maxkamadda Gobolka Hawd oo Xukun Adag ku Ridday

Dhegeysiga dacwada waxa ka qaybgalay Guddoomiyaha  gobolka Hawd, Axmed-yaasin Maxamed Faarax saraakiisha Booliska iyo masuuliyiin kale oo ka socday laamaha dawladda, waxaanay gebagabadii fadhiga uga mahad celiyeen Ciidanka ammaanka shaqada wanaagsan iyo dedaalka ay kula dagaalamayaan maandooriyaha iyo waxyaabaha kale ee fawaaxishka ah.Maxkamadda Gobolka Hawd oo Xukun Adag ku Ridday Shan Dambiile oo Saddex Maqan Yihiin

Saraakiisha Booliska oo halkaa ka hadlay waxay sheegeen in ragga la xukumay lagu qabtay shixnad khamri ah oo xajmigeedu dhan yahay laba boqol iyo hal litir  (201 litre), waxaanay intaa ku dareen in qof kasta oo lagu qabto ka ganacsiga iyo isticmaalka daroogada maskaxda doorisa ee uu khamrigu ka mid yahay in  ciqaab culus la marin doono.Maxkamadda Gobolka Hawd oo Xukun Adag ku Ridday Shan Dambiile oo Saddex Maqan Yihiin

Guddoomiyaha gobolka Hawd

Axmed-yaasin Maxamed Faarax oo ka hadlay arrintan ayaa Ciidanka booliska ku boorriyey inay halkaa ka sii wadaan shaqada wanaagsan ee ay shacbiga kaga badbaadinayaan maandooriyaha loo soo waaridayo, si amniga iyo dhaqanka looga lumiyo waxaanu yidhi.“Dadka ka ganacsanaya Khamrigu dhallinyaro ayey u badan yihiin, kuwaa manta(shalay) la xukumay ayaa u dambeeyey, haka waantoobaan ayaan leeyahay dhallinyaradu waxaas mustaqbal la’aanta ah”ayuu yidhi

Gebagebadii Ciidanka Booliska ayaa Maxkamadda horteeda ku burburiyey guud ahaan khamriga lagu qabtay dadka la xukumay, waxaana goob-joog ka ahaa madaxda Maxkamadda iyo maamulka gobolka.

Maxkamadda Gobolka Hawd oo Xukun Adag ku Ridday  

Maxkamadda Gobol/Degmo ee gobolka Hawd, ayaa xukun isugu jira xadhig iyo ganaax ku ridday shan nin oo lagu helay dambi ah inay ka ganacsaneyeen Maandooriyaha Khamriga oo lagu qabtay, kuwaasoo Maxkamadda la soo hortaagay laba kamid ah, kuwa kalena lagu raad-jooggo.

war celin