Michael Rubin oo ugu Baaqay Maraykanka inuu Somaliland iyo Kenya Siiyo Diyaaradaha aan Duuliyaha Lahayn

0

Michael Rubin oo ah khabiir Millatari oo u dhashay Maraykanka oo falanqeeya  siyaasadda ayaa dawladda Maraykanka ku booriyey inay ka hortagto halista ka iman karta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkigu geeyey Soomaaliya, kuwaasi oo khatar ku ah ammaanka masaalixda Maraykanka iyo dalalka xulafada la ahba.

Mr. Rubin oo maqaal dheer kaga hadlay arrintaasi waxa uu sheegay in lix diyaaradood oo aan duuliye lahayn oo dhawaan lagu qabtay magaalada Muqdisho ay injineerro Turkiga u dhashay oo waday ay sheegeen in diyaaradahaas loo keenay  nin beeralley ah kaga shaqeynaya wax  soo saarka beeraha.

Khabiir Michael Rubin wuxuu tilmaamay  in diyaaradaha aan duulliyaha lahayn halka xabo la siiyo qiime dhan  $780,000 taasi oo aanu tahli karin qof beeralley ahi oo Soomaaliya ku dhaqani, waxaanu u soo jeediyey Maraykanka inay la socdaan halista ka iman karta diyaaradahaas, waxaanu caddeeyey in la joogo xilligii Dawladda Maraykanku ay diyaaraha aan duulliyaha lahayn ay siin lahayd dalalka Somaliland iyo Kenya oo uu ku sifeeyey xulafada Maraykanka, maadaama oo dalal ka soo horjeeday uu Turkigu siiyey diyaaradaha aan duulliyaha lahayn.

Michael Rubin oo ugu Baaqay Maraykanka inuu Somaliland iyo Kenya Siiyo Diyaaradaha aan Duuliyaha Lahayn

war celin