Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Somalia Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, ayaa ku qaabilay Caasimadda Muqdisho, Safiirka Boqortooyada Midowday (UK) ee Soomaaliya, Mss. Kate Foster.

Wasiirka ayaa kala hadlay danjiraha xidhiidhka saaxiibtinimo ee taariikhiga ah ee labada dal u dhexeeya iyo habka iskaashiga labo geesoodka iyo siyaabaha looga horumarin karo dhinacyo kala duwan.

Intii kulanka lagu gudo jiray ayaa waxaa lagu falanqeeyay dhowr arrimood oo siyaasad iyo amni la xidhiidhay, sidoo kale waxaa looga hadlay xaaladaha gobolka iyo kuwa caalamiga ee labada dhinac wada danaynayeen.

Mss. Kate Foster ayaa balan-qaaday in dowladeeda Britain ay sii xoojineyso taageerada ay siiso dowlada Somalia, gaar ahaan dhinacyada amaanka, dhaqaalaha iyo mashaariicda horumarineed, iyadoo dhinaca kale DF ku amaantay dedaalka ay ugu jirto xoojinta nidaamka dpwladnimo iyo qabashada doorashada.

war celin