https://warfaafintajsl.com/Solna/munaasibad-sagootin-ah-oo-loo-sameeyay-arday-deeq-waxbarasho-ka-heshay-dalka-itoobiya/

Hargeysa (XOGSIDE) – Machadka Shaqaalaha Dawladda ayaa munaasibad sagoontin ah u sameeyay 30 arday oo deeq waxbarasho ka helay dalka Itoobiya.

Agaasimaha guud ee wasaaadda Waxbarashadda iyo Sayniska ee Somaliland C/risaaq Jaamac Nuur (Naakhuude) iyo safiirkii hore ee Somaliland u fadhiyay dalka Itoobiya Cali Salaan Jirde, ayaa ardayda u baxaysa wax-barshada ku dhiiri geliyay in ay tusaale u noqdaan waxbarshada Somaliland marka ay jaamacadda soo dhamaytaana la yimaadaan aqoon wax ka bedeli karta dalka iyo bulshada.Machadka Shaqaalaha Dawladda ayaa munaasibad sagoontin ah u sameeyay 30 arday oo deeq waxbarasho ka helay dalka Itoobiya

Agaasimaha fulinta ee Machadka shaqalaha Dawladda Cumar Iid Muuse Qolonbi, ayaa sheegay in deeqdan waxabarasho ee machdku ka helay dalka Itoobiya ay soo xaraysteen arday tiradoo ku dhawdahay todoba boqol oo arday balse ay ka soo qaateen intii suuragalka ahayd ee ku salaysnayd deeqda waxbarasho ee aynu helay, waxaanu ardayda ku booriyay in wakhtiga ka faa’iidaystaan lana soo noqdaan aqoon ay ugu adeegaan dadkooda iyo dalkooda.

Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Aamina Maxamuud Xuseen, ayaa ka warantay maraaxilkii ay soo martay wax-barshada Somaliland iyadoo sheegtay in dedaalka aqoonta iyo waxabarashadu uu yahay dariiqa kaliya ee wax ka bedelaaya horumarkeena iyo in aynu la tartano wadamadda dhigeenna ah.

Munaasibad Sagootin Ah Oo Loo Sameeyay Arday Deeq Waxbarasho Ka Heshay Dalka Itoobiya

war celin