Natiijada Ciyaarihii Galabta Ee Hargeysa Stadium

0

Koobka degmooyinka caasimadda Hargeysa oo ka socda Hargeysa Stadium ayaa maanta waxa foodda is daray degmooyinka 26-Juun iyo 31-May.

Ciyaarta oo ahayd mid xiiso leh isla markaana weerar iyo weerar celis ah ayaa qaybtii hore ee ciyaarta daqiiqaddii saddexaad ay dhaliyeen goolkoodii koobaad degmada 31-May, kaasoo uu u saxeexay ciyaaryahan Yasto oo u sita kooxdaasi lambakra 26.

Degmada 26-Juun ayaa daqiiqaddii 9aad iskasoo gudday goolkii lagu lahaa, oo uu u dhaliyay ciyaaryahan Qaadiro, taasoo ciyaarta xamaasaddeedii cirka ku shareertay, waxaana qaybtii hore ee ciyaartu ay kusoo dhammaatay barbarro gool iyo gool ah.

Qaybtii dambe ee ciyaarta markii la iskusoo noqday ee koox waliba ay lasoo tashatay macalinkoooda, ayaa degmada 31-ka May ee caasimadda Hargeysa ay dhalisay goolkoogii labaad, oo uu saxeexay ciyaaryahan Maxamed Jiiro daqiiqaddii 63aad ee qaybta dambe ee ciyaarta.

Markii ay dhammaadeen 90-kii daqiiqo ee ciyaartu ayaa lagu diray 5 daqiiqo oo dheeraad ah, taasoo wax gool ah aanay ku keenin kooxda 26-ka Juun, waxaana ciyaartu ay kusoo dhammaatay 2 gool iyo hal ay guushu ku raacday degmada 31-ka May.

Koobka degmooyinka caasimadda Hargeysa is aragga labaad ayaa berri ay isku waajihi doonaan degmooyinka Axmed Macalin Haaruun iyo degmada Koobka degmooyinka caasimadda Hargeysa haysata Axmed Dhagax.

Natiijada Ciyaarihii Galabta Ee Hargeysa Stadium

war celin