Natiijada Ciyaarihii Galabta Ee Koobka Degmooyinka Hargeysa

0

Koobka degmooyinka caasimadda Hargeysa waxa galabta isku waajahay degmooyinka Axmed Dhagax iyo Axmed Macalin Haaruun, ciyaartaasoo ahayd mid xiiso leh oo la is muquuniyay.

Qaybtii hore ee ciyaarta degmada Axmed Dhagax oo ah degmada dufaacanaysa koobka degmooyinka ee Caasimadda Hargeysa ayaa daqiiqaddii 28aad dhalisay goolkeedi koobaad oo u saxeexay ciyaaryahan Axmed Qaylo, iyadoo daqiiqaddii 45aad uu ugu labeeyay darbad uu laaday ciyaaryahan Nuur Cabdi, taasoo lushay shabagga kooxda degmada Axmed Macalin Haaruun, waxaana qaybtii hore ee ciyaartu ay kusoo dhammaatay 2 iyo Eber.

Qaybtii dambe ee ciyaartu markii la iskusoo noqday ee qolo walba ay lasoo tashatay macalinkeedii ayaa kooxda degmada Axmed Macalin Haaruun ay ku dhalisay goolkeedii koobaad, oo ay dhaliyeen daqiiqaddii 68aad. Intaas kaddib xamaasaddii ciyaarta ayaa cirka isku shareertay iyadoo sidii tusbax furtay ay goolashadu iskaga daba yimaaddeen, kooxda difaacanaysa koobka degmooyinka caasimadda Hargeysa ee degmada Axmed Dhagax ayaa 5 gool ku durdurisay degmada Axmed Macalin Haruun, iyadoo ciyaartu ay kusoo dhammaatay 5 gool iyo 2 gool oo ay guushu ku raacday degmada Axmed Macalin Haaruun

Ciyaarta berri ee koobka degmooyinka caasimadda Hargeysa wareegg labaad ayaa berri ay isku waajihi doonaan degmooyinka Maxamed Mooge iyo Ibraahin Koodbuur.

Natiijada Ciyaarihii Galabta Ee Koobka Degmooyinka Hargeysa

war celin