Nolosha Waxa Lagu Maareeya Maskax!

0
Nolosha Waxa Lagu Maareeya Maskax!

Xogside – Ninka lagu magacaabo Salvador Gonzales oo dhashay sanadkii 1948, waxa uu ka soo jeeda dalka Kuuba. Salvador waxa uu ka soo jeeday qoysa sabool ah, waxaan uu aad uga fikiray sidii uu uga bixi lahaa nolosha saboolnimada ee noloshiisa  iyo tan qoyskiisa dhibta ku haysa.Nolosha Waxa Lagu Maareeya Maskax!

Ninkani waxa uu is baray sawir gacmeedka oo ahaa midka ugu suuqa weyn oo dhaqaale fiican laga samayn karo, waxaana uu dadka ku sawiri jiray gacanatiisa.Nolosha Waxa Lagu Maareeya Maskax!

Marka uu yimaaddo makhaayadaha raashinka uu ka cuno,  waxa uu u ugu bedeli jiray sawir gacmeed ay gidaarada ku qurxiyaan.  Muddo ka dibna waxa uu furtay xarun sawir gacmeedka lagu sameeyo oo magaceeda u bixiyay Salvador Artist.

Salvador xirfad aqooneed sawirka hore uguma lahayn, haddana sanadkii 1968  horaantiisa ayuu soo bandhigay muuqaalkiisa ugu horeeyay ee farshaxanka sawirka, waxaana lagu qabtay Havana caasimadda Cuba “”Arte Popular Cubano”.

Wakhtigaasi wixii ka danbeeyay waxa uu noqday sawirle caan ah oo mar kasta soo bandhiga muuqaalo cusub 1980 ayuu helay dhaqaale wanaagsan. Sanadkii 1986 wuxu bandhiga farshaxanka ah ku qabtay Roma caasimadda Talyaaniga.  Wakhtigan waxa dalkiisa Cuba ka furan xarumo farashaxanka ah oo aan tiro lahayn,  oo dhamaantood xidhiidh la leh Slavador madaama uu yahay asaasihii farashaxanka Cuba.Nolosha Waxa Lagu Maareeya Maskax!

Salvador wuxu ka qayb gala oo lagu martiqaadaa bandhigyada dhinaca farshaxanka ee Yurub iyo Maraykanka, isagoo Maraykanka uu kaga qayb galay 2002.

Waraysi uu la yeeshay TV Cuba oo uu qaaday weriye Bette Wanderman oo Socday 79 daqiiqo ayuu ku cadeeyay in nolosha waxa lagu maareeya ay tahay maskaxda.

 

war celin