Orodyahan Somali ah oo lagu magacaabo Maxamed Axmed, isla markaana lagu naanayso MohSpeed ayaa ku guulaystay billada qalinka ah ee tartanka Olombikada ee ka socda caasimadda dalka Japan.

Orodyahankan Somali oo u ordaaya dalka Kanada ayaa kaalinta labaad ka galay orodka 5,000 ee Mitir ah.

Biladan uu ku guulaystay orodyahan Maxamed Axmed , isla markaana u ordaaya dalka Kanada ayaa  noqonaysa biladii ugu horeysay ee ay ciyaartoyda reer Kanada ku guulaystaan.

war celin