Qiso Cajiib ah oo diini Ah Oo Aad U Xiiso Badan

Maalin qurux badan bay ahayd Abuul Caas isagoo Faraxsan ayuu u yimi Rasuulkii ilaahay (NNKH), waa inta uusan Waxyigu ku bilaaban Rasuulkeena isla markaasna weli uusan Nabbi noqon, deetana wuxuu ku yiri ”waxaan rabaa gabadhaada curada ah inaan guursado ee ma i siinaysaa?

Rasuulka (NNKH), Wuxuu ku yiri waa inaan marka hore iyada soo waydiiyaa, deetana wuxuu soo abaaray gabadhiisii Saynab (RC) wuxuuna u sheegay warkii uu ina abtigeed la yimi(Abuul caas waxa dhalay khadiijo walaalkeed), Zainab durbadiiba waxay muujisay waji farxad iyo xishood ku gadaamanyahay waxayna aqbashay in loo guuriyo Ina abtigeed deetana halkaas bay ka bilaaban doonta qisada aan maanta idiin wado.

Saynab iyo Abuul Caas waxay noqdeen lamaane aad iskugu faraxsan, jacayl qoys kiisii ugu sareeyay baa u bilowday, waqti badanba kuma qaadan inay laba ilmood u dhashaan oo ay u bixiyeen Cali iyo Cumaama, Halkaas marka ay sheekadoodii maraysay ayuu bilowday waxyigii oo Rasuulkeenuna (NNKH) ku dhawaaqay inuu yahay Nabi ilaahay soo diray.

Abuul Caas magaalada Makkah wuu ka maqnaa marka Nabigu uu waxyigu ku bilaabanayay, kadibna markuu soo noqday wuxuu la kulmay Xaaskiisii oo Muslim Noqotay waa Saynabe, durbadiiba markii uu soo noqday waxay ku salaantay waxaan kuu hayaa war weyn oo aad ku faraxdo, waxayna ku tiri Aabahay wuxuu noqday Nabbi aniguna waxaan noqday Muslimad!! Abuul caas inta uu Istaagay kana dhaqaaqay ayuu yiri maxaad Saynabeey aniga iigu sheegi wayday intaadan Muslim noqon? Halkaas buuna ka bilowday murankii iyo maalmihii madoobaa ee labada lamaane soo kala dhex galay.

Waxay u sheegtay in aysan Aabaheed beenin karin iyo Fariinta uu Allah (swt) noogu soo dhiibay, waxay kaloo u sheegtay in Aabaheed uu yahay ninka ugu daacadsan uguna run badan dhamaan Carab oo dhan, waxayna u sii raacisay in aysan kaligeed Muslim noqon ee sidoo kale gabdhihii walaalaheed ahaa ay Kuli Muslimiin noqdeen in Hooyadeed Khadiija (RC) ay muslim noqotay in Ina adeerkeed Cali Bin Abii Daalib (RC) uu muslin noqday in Xataa isaga ina adeerkii Cusmaan Bin Cafaan (RC) uu Muslin Noqday iyo In saaxiibkii Abuu Bakar Sadiiq (RC) uu Muslim Noqday.

Intaas markuu maqlay inta uu is dajiyay ayuu wuxuu ugu jawaabay ” Aniga ahaan ma rabo in ay dadkaygu i yiraahdaan wuxuu meel uga dhacay dadkiisii wuxuuna dhulka la galay sharaftii Aabayaashii isagoo xaaskiisa qancinaya, Aabahaana waxba ku eedayn mayo marka ma iga raali ahaan kartaa fikirkaygana ma iigu garaabaysaa?”

Waxay ugu jawaabtay ”Hadii aanan anigu ku fahmin oo kaa raali noqon yaa kaloo ku fahmaya, waxaan ahaan doonaa garabkaaga ilaa ay xaqiiqdu qalbigaaga gaarto” Abuul Caas sidii buu Gaal ku ahaa Saynabna ay Muslimad ku ahayd, deetana waxa la soo gaaray waqtigii Hijrada iyo in Muslimiintu u baxaan Madiina, Zainab (RC) waxay u timi Rasuulka (NNKH) waxayna ka codsatay in ay Ninkeeda la joogto Makkah, oo aysan Muslimiinta raacin maadama uusan isagu Muslim ahayn Madiinana uusan iyada u raaci karin, Markaasuu Rasuulkuna (NNKH) ku yiri la joog odaygaaga iyo caruurtaada.

Saynab (RC) sidii bay Makkah ku sii joogtay ilaa uu ka dhacay Dagaalkii weynaa ee Baddar, Abuul Caas wuxuu ku jiray Dagaalka wuxuuna la socday Kufaaru Quraysh isagoo la dagaalamayay Muslimiinta iyo Rasuulka, Saynab waxaa iskugu biirtay laba cabsiyood waa Ninkeedii oo la dagaalamaya Aabaheed, oo kii dagaalka ku dhintaba uu kii kala uga daranyahay, waxay ahayd mid habeen iyo maalin oohin iyo ilmo aan kala joojin mar walbana waxay ku ducaysan jirtay ”Ilaahow maalin qoraxda ha igu soo saarin anigoo aan arkayo caruurtayda oo agoon ah ama Aabahay geeridiisa.

Dagaalkii wuu dhamaaday Abuul Caasna wuxuu galay gacantii Muslimiinta isagoo qafaal ahaan loo qabsada, Saynab waxay u dirtay Rasuulka (NNKH) madax furashadii lagu soo dayn lahaa Abuul Caas, wax hanti ah oo kale ma aysan haysane waxay u soo dhiibtay Katiinad ay Hooyadeed Hada ka hor hadyad ahaan u siisay, Rasuulka oo meel fadhiya oo dadkaan la sii daynayo madax furashadooda aqbalaya ayaa hal mar isha ku dhuftay Katiinadii Khadiijo (RC) wuxuu dareemay Rasuulku (NNKH) xasuus iyo waayo qurux badan isla markaasna wuxuu dadkii waydiiyay yaa laga bixiyaya Katiinadaan? waxaa lagu yiri Abuul Caas Ibnu Rabiic.

Aamus iyo daqiiqado ilin wata kadib Rasuulkii Ilaahay (NNKH) intuu dadkii ka dhex kacay ayuu kor u yiri ” Dadoow ninkaan waxaan u ahay Sodog ee ma iga aqbalaysaan inaan sii daayo, Katiinadaana loo celiyo Gabadhaydii Saynab?” Cod mideysan bay asxaabtii ku aqbaleen Codsigii Rasuulka (NNKH) deetana Rasuulku inta uu gaar ula baxay Abuul Caas ayuu ku yiri Katiinadaan U gee Zaynab una sheeg in aysan Katiinada Khadiijo waligeed bixin, wuxuu kaloo Rasuulku uu ku yiri ‘Ilaahay (swt) wuxuu i amray inaan kala furo gaal iyo muslim ee Abuul Caasow gabadhaydii ma ii soo celinaysaa kuuma ay banaan inaad ninkeeda sii ahaatide” Abuul caasna wuu aqbalay codsigii Rasuulka (NNKH).

Saynab (RC) waxay taagneed afaafka hore ee Makkah, iyadoo sugaysa inta uu soo gaarayo Xabiibkeedu, ugu dambayn markii uu Abuul Caas u yimi Xaaskiisii wuxu u sheegay, in uu ka dheeraanayo! iyadoo naxsan bay waydiisay Xagee aadaysaa? wuxuu ugu jawaabay aniga ma aha ee adiga ayaa tagaya waxaan kuu dirayaa Aabahaa agtiisa sababtoo ah waxaa la yiri muslim iyo gaal isma qabi karaan! mar labaad bay waydiisay Xabiibkaygiiyow maad Muslim noqoto aynu is wada raacnee nasiib xumo sidii hore oo kale markaana wuu ka diiday.

Saynab (RC) iyada iyo caruurteedii sidii bay Madiinan ku soo aadeen, waxayna halkaas ku nooleed Lix sano oo dambe iyadoo diiday in la guursado, intaas oo dhana waxay qabtay rajo ah in midka ay sida dhabtaa u jeceshahay uu u soo laaban doono isla markaasan isagoo Muslim ah uu maalin un dib u wada noolaan doonaa. Lix sano kadib maalin maalmaha ka mid ah ayaa Abuul caas isagoo safar ah meel u dhaxaysa Makkah iyo Madiina oo hogaaminaya Awr ay badeeco saarantahay ayay Asxaabtii weerar ku qaaday deetana wuu fakaday waxaase la soo qabtay badeecadii iyo lacagtii uu waday. Orodkii wuxuu soo galay Madiina, wuxuuna durbadiiba soo raadiyay soona abaaray gurigii Saynab, Markii ay albaabka ka furtayba waxay horay ka waydiisay miyaad soo Muslimtay? deetana cod hoose buu ku yiri mayee waxaan ahay Baxsad! Mar kale ayay hadana waydiisay Ma Muslimaysaa? hase ahaatee Jawaabtiisu weli waxay ahayd May! waxay ugu jawaabta waxba ha walwalin, Soo dhawoow Ina abti, soo dhawoow Caruurtayda Aaabahoodow.

Rasuulku (NNKH) markii uu salaadii Jamaacada ka baxay ayuu gadaasha dambe ee Masjidka ka maqlay Cod dhahaya Waxan kafaalanaya ama damiinanayaa Abuul Caas Ibnu Rabiic! Rasuulku wuxuu kor u yiri dadoow codka aan maqlayo ma ila maqlaysaan deetana waxa loogu jawaabay Haa Rasuulkii ilaahayoow, Deetana intuu Rasuulku kor u kacay ayuu umadii ku yiri Abuul Caas Wuxuu Ahaa nin aan Sodog U ahay, waligii ballan kama uusan bixin beena ma sheegin hadii aad igu raacdaan waan siinayaa badeecadiisa waana sii daynayaa ha iska bexee, hadii aydin igu raacina go’aanka idinkaa iska leh deetana Asxaabtii Way ku raaceen Rasuulka in la sii daayo Abuul Caas, Wuxuuna ku yiri Saynabeey waanu kuu fasaxnay midka aad damiinatay wuuna bixi karaa.

Saynab iyadoo faraxsan bay ku soo noqotay Gurigeedii waxayna tiri Abuul Caasow waad bixi kartaa hase haatee miyaadan noo xiisin? maad muslimto ood aniga iyo ilmaha nala joogto, mar kale ayuu diidmo u muuujiyay, wuu iska soo baxay lacagtii iyo badeecadii ayuu Makkah soo gaarsiiyay deetana intuu suuqa bartankiisa istaagay ayuu cod dheer ku yiri waxaan qirayaa Ilaahay Mooyee Mid kale inuusan Jirin Maxamedna uu Rasuulkiisii yahay, wuuna ka soo haajiray oo wuxuu ku soo noqday Madiina isla maalmo kadib, wuxuuna durbadiiba toos ugu yimi Rasuulkii Ilaahay oo waydiisatay inuu u fasaxo in uu Xabiibtadiisa dib ugu noqon karo, Rasuulkuna inta uu u dhoola cadeeyay buu soo kaxeeyay deetana waxay yimaadeen Gurigii Saynab markaasuu Rasuulku ku yiri Gabadhiisii, Saynabeey Ina abtigaa wuxuu rabaa inuu kuu soo laabto ee ma aqbalaysaa, Waxay muujisay waji lamid ah kii ay 20 sano ka hor muujisay markii uu soo doonanayay wayna aqbashay faraxadii ay mudada sugaysayna dib bay ugu soo laabatay.

Murugada u weynse waxay dhacday Sanad kadib markii Saynab ay geeriyootay, Abuul Caas (RC) wuxuu noqday mid illin la daris ah heer uu gaaray dadka kale inay la ilmeeyaan dhimashada xaaskiisa darteed, Rasuulka (nnkh) sidoo kale wajigiisa waxaa buuxiyay murugo iyo xusni fara badan, geeirda Saynab waxay soo xasuusisay tii Khadiija wuxuu haweenkii kula dar daarmay habkii ay u Mayri lahaayeen iyo habkii loo kafmi lahaa isagoo markii dambana isagu wax kaga tukaday iilkana uu dhigay.

Abuul Caas (RC) wuxuu ahaa mid maalintaas indhihiisa ilma mooyee wax kale laga waayaya ilaa markii dambe la arkayay Rasuulka (NNKH) oo gacmihiisa kaga tiraya ilmada isla markaasan sasabaya oo samirsiinaya iyadoo Abuul Caasna uu ku hadaaqayay Ilaaahay baan ku dhaartaye Noloshu way adagtahay Saynab la’aanteed! ugu dambayna sanad kaliyuuba ka dambeeyay oo isna wuu geeriyooday.

Dulucda Qisadeena

Maalin walba waxay dhagaha nagaga akhriyaan qisooyin jacayl oo ay qaybtoodna alifeen qaybtoodna aysan raadba lahayn, inaguna waa inaan baranaa qisaskii Maxabada iyo Jacaylkaba lahaa ee hadana xaqiiqiga ahaa ee soo Maray Asxaabtii iyo weliba dadka aynu naqaano sida soomaalideenii hore oo kale deetana aynu dunida inteeda kale u sii gudbinaa, si loo xasuusto casharna looga qaato.

Qiso Cajiib ah oo diini Ah Oo Aad U Xiiso Badan – Qisooyinka Caalamka/muslim

Ogow Qoraaga Dhiirigalintiisu waa Qoraalkiisa oo la akhristo.

Mahadsanidiin Saaxiibayaal.

Waa Qalinkii Abdiwali Ahmed Ali( Moalimuu)diin

 

war celin