Qofna Noloshu Gacanta Uguma Jirto! 0..

0

Qofna Noloshu Gacanta Uguma Jirto!

Sanadkii 1933 ayaa nin lagu magacaabi jiray Henry Ziegland  ay gabadhiisu is dishay ka dib markii uu qoyskoodii burburay. Qoyska gabadhiisa ayaa ku canaantay inuu isagu sabab u ahaa dhimashada gabadhooda.

Wiil ay walaalo yihiin gabadha ayaa ugu hanjabay Mr. Henry inuu ka aargoosan doono oo uu aargudi doono walaashii.

Wiilkaasi ayaa Henery oo maalin fadhiya beertiisa dhexdeeda bastoolad ku toogtay, ka dibna dhulka ayuu ku dhacay odayga Henray laakiin muu dhiman.  laakiin Wiilka soo riday oo aha gabadha walaalkeed ayaa u qaatay in uu dhintay oo meeshiina ka baxsaday.

Henry rasaastu way jiidhaysay waxaana ay u dhaaftay oo gashay jiradda geed weyn oo beerta ku dhex yaallay.Qofna Noloshu Gacanta Uguma Jirto!

Henery waxa uu sii noolaa muddo 20 sanadood ah ka dib markii uu dilkaasi ka badbaaday, waxaana uu ka sheekayn jiray sida uu uga badbaaday geerida.

Henery ayaa wakhti danbe goostay inuu beerta geedaha ka jaro isagoo geedkii ay rasaastu dhex fadhiday ku xidhay walax aalad yar  oo qarxisa si uu u soo dhaco. Laakiin taasi ayaa sababtay inay rasaastii geedka ku jirtay qarxado isla markaana ay madaxa ka gasho Henery isagoo isla markiiba goobtaasi ku dhintay. Qofna Noloshu Gacanta Uguma Jirto!

Wakhtigii Allah ugu talo galay inuu dhinto ayuu ku dhintay isla rasaastii muddo sanado badan ka hor loogu talo galay inuu ku dhinto.   (lifetimecreate.)Qofna Noloshu Gacanta Uguma Jirto!

Qofna Noloshu Gacanta Uguma Jirto!

war celin