Raiisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa gaadhay magaala xeebeedka Mombasa ee dalka Kenya, halkaasoo uu wada hadalo kula yeelanayo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Wafdiga ayaa waxaa soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha magaalada Mombasa Wasiirka Arimaha Dibadda Kenya, waxaana ujeedka safarkiisa uu yahay casuumaad uu ka helay Madaxweynaha dalkaas Uhuru Kenyatta.

ra'isul wasaare rooble oo gaaray magaalada mombasa ee dalka kenya

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa la filayaa in uu galabta kulan la qaato Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyata iyo madax kale oo ka tirsan dowlada Kenya.

Booqashada Ra’isul Wasaare Rooble ee uu ku tegey dalka Kenya ayaa ah tii ugu horeysay oo mas’uul sare oo ka tirsan xukuumada Soomaaliya uu si rasmi ah booqasho ugu tago dalka Kenya kadib markii xidhiidhka labada dal uu xumaaday horaantii sanadkan.

 

war celin