Roobab ka Curtay Deegaannada Laasgeel, Cadaadlay iyo Madheera

0

Hargeysa (XOGSIDE) – Guddoomiyaha degmada Laasgeel ee gobolka Maroodijeex Mustafe Ibraahin Cismaan ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee SOLNA in roobka xeebta ka da’a ee xayska loo yaqaanoo uu ka curtay deegaannada hoostagga degmadaasi.Roobab ka  Curtay Deegaannada Laasgeel, Cadaadlay yo Madheera

Guddoomiyaha degmada Laasgeel ayaa sheegay in roobka xaysku uu ka curtay degmooyinka Laasgeel iyo cadaadlay oo hostagga gobolka Maroodijeex, waxaana uu tilmaamay in bulshada ku dhaqan jiidahaasi ay ku diirsadeen roobabkaasi, guddoomiyuhu waxa uu ugu baaqay dadweynaha inay ka faa’ideystaan roobabkaasi curtay.

Roobabkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo qaybo badan oo dalka ka mid ah ay ka taagan yihiin abaaro iyo biyo la’aan ba’ani, gaar ahaan gobollada Togdheer iyo Sool, oo laga oogay salaado roob doon ah.

Roobab ka Curtay Deegaannada Laasgeel, Cadaadlay iyo MadheeraRoobab ka  Curtay Deegaannada Laasgeel, Cadaadlay yo Madheera

 

war celin