Shimbirka Gumayta ee lagu magacabo Gigi ayaa ku sigtay inuu dhinto ka dib markii uu meel xidhiidhi ah galay oo ka mid ahayd xarun lagu xanaaneeyo oo ku taalla gobolka Mississippi ee Maraykanka, ka dibna wuu ka soo bixi kari waayay.  Wakhtigasi ayuu arkay Dhakhtar xoolaha iyo xayawaanada ah Dr.Missidoshi kaasi oo xarunta ka hawlgala.

Shimbirka ayuu ka badbaadiyay dhimishadii kana saaray cidhiidhiga uu ku jiray, waxase dhacday in markiiba shimbirku ku soo boodo oo garbaha ka fuulo isagoo oo aad moodo inuu dhunkanayo. Waxaana tani ay muujisay sida xaywaanku uu ogaan karayo qofka waxtar u geysta iyo kan waxayeeladda ku haya.

war celin