Saraakiisha Laanta Socdaalka gobolka Togdheer ayaa ka warbixiyay hawlgalo ay ka sameeyen magaaladda Burco oo lagu baadhayay dadka aan u dhalan dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Taliyaha Ciidanka Socdaalka gobolka Togdheer Gaashaanle Dhexe Jaamac Maxamed, oo warbaahinta dawladda la hadlay waxa uu sheegay in maalmihii u danbeeyay ay magaaladda Burco ka wadeen hawlgal lagu diwaan gelinaayo dadka aan u dhalan dalka Jamhuuriyadda Somaliland gaar ahaanna kuwa ka soo jeeda Koonfurta Soomaaliya ee RRA iyo WAAJIDKA.

Taliyaha ayaa sheegay in dadkani amrkii hore aanay u diiwaangashanayn dawladda balse arrintan imika ay ku guulaysteen iyadoo dadkaasina dalka laga saarayo marka ay dawladdu go’aan ka soo saarto.

Taliyaha Ciidanka Socdaalka gobolka Togdheer Gaashaanle Dhexe Jaamac Maxamed, waxa kale oo uu sheegay in beryahan danbe magaaladda Burco ay ku soo badanayeen dad ka soo jeeda Itoobiya kuwaasi oo iyagana dalka laga saari doono maadaama oo ay dhibaato ku hayaan bulshada.

war celin