Sebenka Iyo Nolosha Isu Eeg

0
Sebenka Iyo Nolosha Isu Eeg

Xogside – Nolosha dadku waa ay isu eg-tahay xagga toosnaanta iyo xagga qalloocaba. Dadka wanaagsan iyo kuwa xumina waa koobbi soo noqnoqda sidaa darteed Islaamku (Qur’aanka/ Sunnaha)   waxa ay inooga warmaan qisooyin aynu ka dhex arkayno nafteenna ama dad sebenkan jooga, ha xumaado ama ha wanaagsanaado’e.Sebenka Iyo Nolosha Isu Eeg

Waxa ay kuugu muuqanaysaa in laga warramayo hebelka  madaxda ah ee caadilka ah ama hebelka xun ee daalimka ah oo aynu sebenkan jooga.Sebenka Iyo Nolosha Isu Eeg

Mar kale waxa ay kula noqonaysa in laga waramayo hebelka ganacsadaha ah ama beeraleyda ah ee wanaagsan, marna waxaa kugu soo dhacaya niman shirkad ah oo go’aansaday in aanay masaakiinta xaqeeda siin oo kuwa maanta jooga shabahayaan aadna isugu eeg yihiin.Sebenka Iyo Nolosha Isu Eeg

Qisooyinku waa tusaale nool oo qofka isu barbardhigaya naftiisa iyo deegaankiisa oo dhinac ah iyo umadihii hore iyo xaaladohoodii oo dhinac ah.  Allah (sw) waxa uu dadka ku amray inay dhulka ku socdaan oo ay eegaan siday ku dambeeyeen kuwii iyaga ka horreeyay; si ay ugu waano iyo cibra-qaataan. Isla markaana wanaaga lagu daydo, xumaanta iyo falalka kharibana laga dheeraado.Sebenka Iyo Nolosha Isu Eeg

Sebenka Iyo Nolosha Isu Eeg

war celin