Shaqaalaha Ka Hawl Galaha Cisbitaaladda Dhimirka Ee Gobolka Gebiley Oo Tabobar Loo Soo Xidhay

0

Waxa magaaladda Gebiley ee xarunta gobolka Gebiley tabobar loogu soo gebo gebeeyey qaar kamid ah shaqaalaha caafimaadka ee ka hawlgala Cisbitaalada magaalooyinka Gebiley,Arabsiyo,Wajaale ,Allaybaday iyo Geed Balaadh,waxaana shaqaalahan lagu tabobaraayey adeegga daryeelka Caafimaadka Maanka.

Waxa sidoo kale waxyaalaha lagu tabobaraayey shaqaalahan kamid ahaa in bulshada la fahansiiyo Xannuunka Maanta, Adeegga daryeelka Maanka iyo sidoo kale sida loo qaado Waraysiyada iyo la tacaalida xannuunada Maanka.

Waxa ugu horeyn goobta shaqaalahan loogu soo xidhay tabobarka ka hadlay Mukhtaar oo ah madaxa Caafimaadka Maanka gobolka Gebiley iyo Shakib, waxaanay ka warbixiyeen tabobarkan ay shaqaalahani qaateen iyo qiimihiisa, iyaga oo shaqaalahaas kula dardaarmay in aqoonta ay barteen ay uga faa’iideeyaan dadka ay u shaqaynayaan iyo dadka ay la shaqaynayaanba.

Dhinacoodana waxa halkaas ka hadlay xubno kamid ah shaqaalihii tabobarkaas qaatay ee loo soo xidhay, iyaga oo tilmaamay in ay si weyn uga faa’iidaysteen tabobarkaasi mudadii uu socday,waxaanay usoo jeediyeen masuuliyiinta wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee gobolka Gebiley in la joogteeyo tabobaradan oo kale.

Waxa iyaguna ugu dambayn halkaas ka hadlay Dr Cabdirashiid ,Xuseen Xasan Gaboobe iyo sidoo kale Agaasimaha Maamulka iyo maaliyadda wasaaradda Horumarinta Caafimaadka gobolka Gebiley iyo Agaasimaha Cisbitaalka,waxaanay cadeeyeen in tabobarkani ahaa kii labaad ee la bixiyo,iyaga oo kula dardaarmay shaqaalihii tabobarkaas loo soo xidhay in ay aqoonta ay barteen uga faa’iideeyaan dadka degmooyinka ay ka shaqeeyaan, sidoo kalena ay wacyigelin balaadhan ka sameeyaan goobaha ay ka hawl-galaan.

Shaqaalaha Ka Hawl Galaha Cisbitaaladda Dhimirka Ee Gobolka Gebiley Oo Tabobar Loo Soo Xidhay

war celin