Shirkadaha shidaalka Sacuudiga oo sameeyay macaashkii ugu badnaa.

0

Shirkadaha shidaalka Sacuudiga oo sameeyay macaashkii ugu badnaa.

Xogside – Shirkadda saliidda ee Aramco ee ay leedahay dawladda Sucuudigu, ayaa sheegtay in faa’iidada ay samaysay ay kor u kacday illaa 90%, saddexdii bilood ee ugu dambeeyey, taasoo ka sare martay faa’iidadii ay hore u saadaaliyeen inay xilligan helaan, waxaana sabab u noqotay iyada oo ay sare u kaceen baahida loo qabo xaddiga shidaalka la iibsanayo iyo saliida la sifaynayo ee suuqyada caalamka.Shirkadaha shidaalka Sacuudiga oo sameeyay macaashkii ugu badnaa.
Ka dib duullaankii uu Ruushku ku qaaday dalka Ukraine iyo cunaqabataynadii kala duwanaa ee lagu soo rogay dalka Ruushka, ayaa keenay inay sare u kacaan baahida shidaalka ee dunidu, waana mid ka mida fursadaha ay ka faa’iidaysteen shirkadaha shidaalka soo saara iyo kuwa safeeya, oo ay ku jirto shirkadda Aramco.Shirkadaha shidaalka Sacuudiga oo sameeyay macaashkii ugu badnaa.
Madaxa fulinta ee Shirkadda Aramco Amin Nasser ayaa sheegay in shirkaddiisu ay filayso in baahida shidaalka ee dunidu inuu sii socdo tobanka sano ee soo socota, inkasta oo laga yaabo in baahida sarraysa ee haatan ka taagan suuqyada caalamku inay sii jirto wakhti kooban.Shirkadaha shidaalka Sacuudiga oo sameeyay macaashkii ugu badnaa.
Faa’iidada saafiga ah ee ay samaysay shirkadda Aramco ayaa kor u kacday sannadkan iyada oo samaysay illaa $48.39 bilyan saddexdii bilood ee April, May iyo June, halka ay sannadkii hore isla bilahan oo kale ay samaysay dakhli saafi ah oo gaadhaya illaa $25.43 bilyan.
Shirkadaha shidaalka Sacuudiga oo sameeyay macaashkii ugu badnaa.

war celin