Sidee Ayaad u Noqon Kartaa Aftahan Iyo Codkar!

0
Sidee Ayaad u Noqon Kartaa Aftahan Iyo Codkar!

Xogside – Marka Qofku si wanaagsan oo kooban dadka uga dhaadhiciyo arinta uu rabo inuu u sheego, oo dadka hadalka deeqsiya waxa loo yaqaan codkar ama aftahan. Haddaba qof kastaa wuu noqon karaa Codkar, maxaa yeelay waa cilmi la barto.  Inkasta oo ay tahay  hibo uu qofku iska leeyahay , haddana cilmi ahaan waa loo bartaa.

sidee loo noqdaa aftahan

sidee loo noqdaa aftahan

Codkarnimadu waa erayga ” Orator” oo luuqadda Englishta ku soo biirtay 1374, waxayna asal ahaan ka soo jeeda latin waa speaker ama ” khudbadeeye” oo loola jeedo hadal yaqaan ama aftahan taasi oo muujinaysa in muddo hore la yaqaanay barashada codkarnimada.

sidee loo noqdaa aftahan

Boqorkii Yamanta waqooyi xukumi jiray Imaam Yaxya Muxamed Xamiid Diin ee xukunka laga tuuray bishii Feberweri 17, sanadkii 1948,  ayaa dhalay wiil aan hadalka aqoon oo aad u khajila, haddana ahaa dhaxal sugaha boqorka. Wakhtigaasi ayuu Boqorku nin Ingiriisa ka codsaday sidii uu uga dhigi lahaa afthan. Ninkaasi markii uu siinayay barashada codkarnimada, wuxu uga bilaabay inuu u khudbadeeyo 100 Digaagood,  ka dibna boqolaal neef oo adhi ah, Fardaha iyo awrta waaweyn ayuu haddana ku siiyay inuu khudbad ujeediyo.

Intaasi ka dibna hablo da’ ahaan ka yar ayuu ku tababary inuu khudbad ujeediyo, hooyooyinka iyo islaamaha ayaa iyagna uu tababar ku siiyay. Wiilkaasi markii danbe wuxu noqday nin aftahan ah oo Carab oo dhan caan ka noqday.  Waxa halkaasi ka muuqanaya in Aftahanimada la baran karo, inkasta oo ay jirto qayb hibo ah. Wakhtigan waxa aad u barta siyaasiyiinta iyo garyaqaanda . Kiniisaduhuna waxay baraan badaariyada.

sidee loo noqdaa aftahan

ASTAAMAHA AAD KU NOQON KARTO AFTAHAN

1.AQOON: qofka aftahankaa waa inuu yahay had iyo jeer qof aqoon u leh waxa uu ku hadlayo, hadii kale waxaa dhici karto in uu isaga iska horyimaado ama is khilaafo hadalkiisu ama uu bulshada la wadaago wax ay ogyihiin in ay khalad tahay horaana loo yiri “”weel walba wixii ku jira ayuu dhididaa “”

sidee loo noqdaa aftahan

2.DIYAAR GAROOW FIICAN: waxaa laga maarmaan ah in uu qofku usoo diyaar garoowo muuqaal ahaan iyo aqoon ahaanba ka hor inta uusan hor imaan bulshada oo lagaa gartaa sida aad wax u sheegaysi inay ku jirto diyaar garoow iyo tacab aad soo galisay.

3.ADEEGSIGA AFKA ( LUUQADA ): waa in xog jeediyuhu aad ugu xeel dheeryahay afka uu wax ku gudbinayo isla markaana uu awood u leeyahay inuu hal macno u adeegsan karo dhowr eray oo kala duwan, waana in uu yahay mid yaqaano afka suugaanta si uu hadalku macno fiican u yeesho iyo waliba makaabada afka si uusan u galin gaf wayn dhanka dhawaaqa erayada iyo macnahooda.

5.KALSOONI: isku day inaad kalsooni naftaada ku qabtid yaa ka sugaysaa inuu ku dhaho aftahan hadii aadan adigu isku aqoonsan inaad tahay aftahan, isku day inaad dadka ka hor hadasho si geesinimo iyo kalsooni leh.

sidee loo noqdaa aftahan

6.RUNTA SHEEG: runtu waa raali ahaanshaha Alle sida oo kale qiimaha ugu wayn ee aad ka haysati bulshada waa sumcad iyo maamuus ogoow hadii ay bulshadu kugu barato ama aad been u sheegti in aad lu misay cod badan oo aad bulshada ku dhex lahayd.
“”Beentaada hore runtaada dambe ayay u darantahay””.

  1. WAA KUMA CIDA AAD LA HADLAYSID: waxaa muhiim ah in uu qofku yaqaano cida uu lahadlayo, kawaran adiga oo lahadlayo arday jaamacadeed oo aad uga sheekaysid sheeko caruureed waxaa halkaas kala kulmaysaa ceeb iyo amakaag badan.

8.RUMAYSNOOW WAXA AAD SHEEGAYSI:
Marna ha isku dayin inaad ka hadasho wax aadan fikirkaaga kala imaan hana isku dayin inaad ku hadasho qof kale fikirkiisa adigu qof kale ma noqon kartid qof kalana ma noqon karo adiga.

SIDAAN KU NOQON KARAA, QOF DADKA KA HOR HADLI KARA?

Waxa ka mid ah astaamaha qofka bilawgaba kasoo muuqda, ee ku tusinaya in cabsi dad la hadal jirto: qofka oo ay ku adagtay in uu la doodo ama la sheekeysto dadka ka waaweyn, gaar ahaan waalidkiisa ah. Xiliga fasallada iskuulada lagu jiro, way ku adagtay in uu ardayda dhexdooda macallinka su’aal ka waydiiyo ama uu bixiyo jawaabaha uu macalinku rabo, xataa haddii su’ashaas uu garanaayo, waxa kaloo ka mid ah qofka oo hadalku dhakhso ugasoo bixin sidii qof hag hag yeeshay oo kale, ama isagoon hadalkiisa ay ku badato “iin, iin iin, iyo wax la mid ah”. Dhammaan waa wax iska caadi ah, badina dadka adduunkuba ay ka simanyihiin. Su’aashu se waxay tahay, waxanu ma wax joogto ahbaa, misa waa wax laga gudbi karo?

Ugu horeyn waxa war farxad le ah, in dad badan oo maanta dunida caan ka ah, waliba gaar ahaan marka ay noqoto, in ay ka hadlaan fagaarayaasha ugu dadka badan ee laga jeediyo hadal, ay sidaadaas oo kale ahaayeen, maantana ay yihii kuwo hadal iyo khudbado u jeediya malaayiin dad ah. Waxa ka mid ah dadkaas Dr Zakir Naik, oo ah daaci islaamiya. Wuxuu ahaan jiray, mid hag-hago leh marka uu is yidhaa hadal. Maantana waadigaa arka, siduu u hadlo, iyo tirada dadka uu la hadlo, waliba isagoo ku hadla, luuqad aan tiisii hooyo ahayn. Sidaas oo kale, ayaa haddii aad is leedahay cod kar ma tihid, ama hag-hag ayaad leedahay, aad uga gudbi kartaa caqabaddaas, haddii aad la timaaddo, isla dadaalka ay la yimaadeen kuwii sidaas oo kale ahaa.

Maan ahayn anigu mid soo dhashay isago fagaaraha dad kala hadli kara, waxaan xasuustaa, markii iigu horeysay, ee aan dad tira badan la hadlo, wadnaha ayaa bug-bug i yidhi, aadna waan u naxay. Haddana waan hadlay, wax dhibina imasoo gaadhin, waxaan ka faa’iiday se, in sida aan moodayay aanuu arrinku ahayn, oo haddii aan sii wado, aan wax badan la qabsan doono, siina horumarin karo. Waxa ka mid ah waxyaabaha qof ka caawiya, fagaare ka hadalka ama ka dhiga mid aan ka cabsan dadka hortooda in uu ka hadlo.

  1. Cabsida fagaare ka hadalka (Fear of public speaking): Qofka oo fahma, waxa ay tahay cabsidani, sababta cabsida keenta iyo sida looga gudbi karo. Waxyaabaha ay dadyawga adduunku ka Cabsadaan way badanyiin, waxa ka mid ah: mugdiga, xayawaanada qaar, xasharaadka, cudurrada, dhimashada, meelaha joogga dheer, iyo kuwo kaloo fara badan. Waxaas oo dhan marka la isku daro, waxa kaalinta koobaad galay, xagga badnida dadka ka cabsada fagaare ka hadalka. Haddaba kuwo hore, cabsidooda waxa sabab u ah, fuleynimo meelaha ama goobaha qaar ah. Halka cabsida fagaare ka hadalka ay sabab u tahay kalsooni la’aan. Kalsooni la’aantaasi maaha mid qofku aanuu noloshiisa oo dhan ku qabin, ee waa mid la xidhiidha uun, waxa uu doonayo qofku in uu ka hadlo, oo aanu si fiican ugu kalsoonayn. Tusaale ahaan, in aanuu si fiican usoo diyaarin ama aanuu aqoon fiicanba u lahayn waxa uu ka hadli rabo, isla mar kaana aanuu isa soo tijaabin. Waxa kaloo ka mid ah sababta kalsooni yaraanta keenaysa, waxaas uu rabo in uu ka hadlo, oo aanuu kaba war qabin waxa uu ka hadlayo, cidda uu la hadlayo iyo meesha uu ka hadlayo (hadaf cad iyo qorshe ayaanuu lahayn).

  2. Waa maxay xifradda ama majaalka nololeed ee mustaqbalkaagu (what is your future life career?): Maxaad jeclaan lahayd in aad dadka kala hadasho ama aad u jeediso, si aad u horumariso, xirfaddaada fagaare ka hadal? Ma inaad macallin noqoto, oo aad arday u jeediso duruus. Ma inaad daaci noqoto, oo aad dadka diinta barto , khudbadaha jimchana jeediso. Ma inaad ganacsade noqto, oo aad wax soo saarkaaga iyo guulahaaga, aad dadka la wadaagto. Ma in aad siyaasi noqoto, kana hadasho arrimo dal iyo umadeed. Ma in aad wariye noqoto, kana hawl gasho, war is gaadhsiinta, sida idaacadaha iyo muuqaal baahiyayaasha. Ma in aad arrimaha bulshada ka shaqeyso, dadkana wacyi galiso. Shaqooyinkan iyo tobanaan kale oo la mid ahba, dhammaan waa kuwo u baahan qofku in uu yaqaan, horumariyana xirfadda fagaare ka hadalka. Haddaba adiga shaqsi ahaan, ma kuu caddahay hadda , meesha aad is leedahay, way tahay in aad u sii tabo barato? Waa qodob mihuum ah, oo ka qayb qaadan kara, in xal loo helo,caqabadda kaa hor istaagi karta fagaare ka hadalka , oo ah cabsida iyo cod kar la’aanta.

  3. Kor u qaadisksta xirfaddaada nololeed (Life career development): Qodobkani, qaybta labaad ayuu la xidhiidhaa, muhiimaddiisa gaarka ahna waa leeyahay. ka dib marka aad ogaato, Xirfaddaada nololeed, isku day in aad horumariso, si fiicanna ugu wanaagsanaato, maaddaayoonka iyo buugta la xidhiidha, majaalkaas ama kaalintaas aad nolosha ka qaadan doonto, dadkana kala hadli doonto, ee ay ka midka yihiin kuwaas aynu soo sheegnay. Had iyo jeer ha ka daalin, in aad akhrido buugta guud ahaan, gaar ahaan kuwa la xidhiidhaa majaalkaaga, iyo in aad qaadato wixii koorso ama tabobar ah, ee ku saabsan si toos ah iyo si aan toos ahaynba (online). Mar kasta oo aad ku wanaagsantahay, si fiicanna u weelayso, waxa aad ka hadli rabto, waa mar kasta oo kalsoonidaada ku aadan in aad waxaas ka hadashaa, ay korodho, mar kastoo kalsoonidaasi korodhana, waxa meesha ka baxda cabsidii iyo walaacii.

  4. Nashaadka, iyo is dirka (Activities and volunteers): Ka hor intaan la isla gaadhin suuqa dhabta ah ee aad kusoo ban dhigayso aqoontaada, iyo awooddaada fagaare ka hadal, waxa muhiim ah inta aad ardayga tahay, in aad ka faa’iideysato, fursad kasta oo kuu saamaxaysa in aad dad la hadli karto, haba noqoto shan qof ama boqol qof , ama kun qof intaba…Tusaale ahaan, ka qayb qaado, arrimaha iyo hawlaha tabarucaadka iyo shaqooyinka, ka jira iskuulkaaga, jaamacaddaada, iyo bulshada dhexdeeda. Waqtiyada aad firaqaada hayso, ku bixi waqti badan in aad arrimahaas aad xubin ka ahaato, haddii aad jago ka qaban karto aad ka qabato, jagadaasi meesha ay doonto ha ahaato, wax qabadyadaas iyo nashaadkaasi yaanay noqon kuwo aad ku doonayso, maslaxaad adduun iyo wax la mid ah, ee ha ahaado, kuwo aad naftaada ku horumarinayso, sida fikirkaaga, shaqsiyaddaada iyo awooddaada dad la hadal.

  5. Xirfadaha fagaare ka hadalka (public speaking skills): Ugu dambeyntii, mar aan kuba wanaagsanaaday, kuna dhiiraday in aan meela badan hadal ka jeediyo, anigoon wax cabsi ah dareemin, ayaan bilaabay in aan korodhsado aqoonta iyo xirfadaha aan u baahanay ee iga caawinaya in aan horumariyo awoodayda fagaare ka hadal, taas ayaanaan illaa imaka ku guda jiraa, mar aan anigu korodhsado, iyo mar aan sii gudbiyaba. Sidaa daraadeed, waxaan kugu boorrinayaa, in aad ka faa’iideysato fursad kasta, oo kusoo marta, oo aad ku korodhsan karto, aqoonta gaarka ah ee la xidhiidha fagaare ka hadalka, hadday tahay koorso, buug iyo tobabar intaba… laakiin tani kaligeed kaa dhigi mayso, mid aan cabsan, oo khabiir ku ah, in uu dad ka hor hadli karo, way se ku kaabaysaa, haddii aad qodobada hore, aad kasoo baxdo. Tusaale ahaan, haddii adiga oo aan darawal ahayn, lagaaga sheekeeyo sida baabuurka loo wado, way adagtay in aad darawal noqoto markaba. haddii se lagu baro, laguna tuso sida loo wado, maalimaha hore waad yara baq-baqan, maalinba maalinta ka dambeysa waxaad is arki adiga, oo darawal sii noqonaya. Fagaare ka hadalku waa sidaas oo kale, in aad buug kali ah aad akhrido, waxa ka saameyn badan, isku deyga iyo in aad cid ka hor hadasho, illaa aad heer ka gaadhayso.

Sidee Ayaad u Noqon Kartaa Aftahan Iyo Codkar!

 

war celin