Taliyaha Guud ee Ciidanka Ilaalada Xeebaha oo kulan la Qaatay Madaxda Hayadda EUCAP Geeska afrika .

0

Taliyaha Guud ee Ciidanka Ilaalada Xeebaha oo kulan la Qaatay Madaxda Hayadda EUCAP Geeska afrika .

Xogside – Taliyaha guud ee Ciidanka Ilaalada Xeebaha Jsl Admiral Axmed Huure Haaruye ayaa kulan qaatay madaxda afrika uqaabilsan haayada EUCAP oo ay hogaaminayo gabadha uqaabilsan hawlgalka afrika Mss Dania Cossa iyo sidoo kale madaxa adeega ee hayadaasi iyo saraakiil kale oo ka socotay hayada EUCAP.Taliyaha Guud ee Ciidanka Ilaalada Xeebaha oo kulan la Qaatay Madaxda Hayadda EUCAP Geeska afrika .
Shirkan oo ka dhacay Taliska Saldhiga kowaad ee Ciidnaka Ilaalada jsl ayaa lagaga wada hadlay xoojinta wadashaqayneed ee labada dhinac ciidanka badda iyo haayada EUCAP , qodobada laysla soo qaaday waxaa kamid ahaa sidii ay gacan buuxda midowga yurub usiin lahaa ciidanka Badda jsl dhinacyada qalabka bada sida doonyaha, maraakiibka iyo qalabka isagaadhsiinta bada iyo barigaba , tababarada iyo dhismayaasha taawarada lagu ilaaliyo weelka iyo cadowga bada soo gala ee loo yaqaano raadarka .Taliyaha Guud ee Ciidanka Ilaalada Xeebaha oo kulan la Qaatay Madaxda Hayadda EUCAP Geeska afrika .
Waxay madaxa haayada EUCAP balanqaadeen inay wax ka qanan doonaan tageerada dhinca dhismayaasha isgaadhsiinta , doonyaha iyo qalabka masaafada fog wax ka arka ee Radaalka iyo tababarka iyo aqoonta ciidanka .
Kulankan waxaa taliyaha ku wehelinayey shirkan taliyaha Ciidanka Ilaaalada Xeebaha Gobolka Saaxil Gaashanle Sare Haarun Siciid Cali iyo Madaxa xidhiidhka arimaha dibada ee Ciidanka Ilaalada Xeebaha Jsl Gaashanle Dhex3 Khadar Maxamed Ciise .Taliyaha Guud ee Ciidanka Ilaalada Xeebaha oo kulan la Qaatay Madaxda Hayadda EUCAP Geeska afrika .
Shirka kadib Waxay kormeer ku tageen Dekeda Berbera iyo xarunta hawlgalka degdeg ah ee Raxanta .
Taliyaha Guud ee Ciidanka Ilaalada Xeebaha oo kulan la Qaatay Madaxda Hayadda EUCAP Geeska afrika .

war celin