• Wiilkaygow wax kasta oo macaan ayaan dhadhamiyey, maan helin  wax caafimaadka ka macaan.
  • Wiilkaygow wax kasta oo qadhaadh ayaan dhadhamiyey, mana arag wax ka qadhaadh badan inaad  u baahato dadka.
  • Wiilkeygow wax kasta oo culus ayaan qaadaay, mana arag wax ka culays badan dayn Banii’aadam kuugu yeeshay.
  • Wiilkaygow waxaan soo arkay dad malqabeen ah, mana arag qof maalkiisa ku qanacsan.
  • Wiilkaygow kuwo i neceb ayaa col ila ah. Maanan arag wax iiga cadowsan nafteyda
  • Wiilkaygow dhar kii u qurux badnaa ayaan soo xidhay, mana helin wax ka qurux badan Allah cabsidiisa.

Wiilkaygow labana xusuusnoow inta aad nooshahay ’Xuska Allah & Geerida’

war celin