Sirdoonka caalamka gabadhii caanka ka noqotey ee Noora Inayat Khan waxa ay ka ahayd qoyskooda midda ugu weyn afartooda carururta ah, waxa ay ku dhalatay  2da Bishi January, sanadkii 1914, Petersburg ee dalka Ruushka. Walaalaheed waxa ay kala ahaayeen Vilayat, Hidayat iyo Khair-Nisa. Aabaheed waxa uu ahaa Hazrat Inyat Khan, waxaana ay ka soo jeedeen qoys muslim ah oo Hindi ah.

Ayaydeed oo Aabeheed dhashayna waxa ay  ahayd faracii Tips Sultan oo qarinigii 18 xukumayay boqortooyadii Mysore.

Wuxu ku noola Yurub isagoo macalin suufi ah iyo weliba nin miisiga xirfad sare ku leh. Hooyadeed Ameena Begum waxay ka soo jeeday Maraykan gaar ahaan New Mexico , waxayna is guursadeen aabaheed markii uu socdaal ku tegay Maraykanka

Sanadkii 1914 ka hor intii aanu qarxin dagaalkii koowad ayay qoysku ka guureen Ruushka iyagoo badhtamaha London degay gaar ahaan Bloomsbury Noora Inayat Khan waxa ay dhigan jirtay dugsiga.

Sanadkii 1920 ayay u guureen Faransiiska waxayna degeen Surenes oo u dhow Paris, iyadoo halkaasi uu ka siiyay guri hadyada ah mid ka mid ah ragga ka tirsan suufiyadda uu aabeheedka xubinta ka ahaa.

Markii uu aabaheed dhintay sanadkii 1927 , Inayat Khan waxay qaaday masuuliyadda hooyadeeda madluunka ahayd iyo caruurtooda ka yaryar. Inkasta oo ay ahayd gabadh dhalinyaro ah haddana waxa lagu tilmaamay inay ahayd mid degan, xishood badan oo dareen iyo higsiba leh.

Waxay ku baratay aqoonta cilmi nafsiga carruurta iyo  muusiga magaalada Bariis. Waxay bilowaday qoraalka

Waxayna si xirfad leh u qortay gabayo iyo sheeko caruureed, iyadoo si joogto ah uga qayb qaadan jirtay maqaalada xiisaha leh ee ku soo baxa wargeyska Caruurta ( Children’ Magazine) iyo Radio France barnaamjiyadiisa la xiiseeyo. Sanadkii 1939 ayay qortay buugga “ Twenty Jataka tales” oo ay kaga sheekaysay dhaqanka dadka budiiska ah ee ay ka soo jeeday, waxaana lagu soo bandhigay London.

Markii uu qarxay dagaalkii labaad sanadkii 1940 , oo  Jarmalkuna hareereeyay Faransiiska qosykeedu waxay u qexeen magalaada Bordeaux iyagoo halkaasina uga sii gudbay London waxayna mareen dhinaca badda.   Waxa ay degeen xaafadda Falmouth, Cornwall, on 22 June 1940.

Bishii November sanadkii 1940kii  waxay ku biirtay barnaamijkii WAAf (Women’s Auxiliary Air Force) oo ah mid ay dumarku  tababar   ku qaataan sidii ay u gargaari lahaayeen ciidanka cirka. Waxa kale oo ay gashay dugsi lagu baran jiraty tababarka Dayuuradaha Bomber bishii June sanadkii 1941 (Bomber training school).

Iyadoo ahayd qof aad u firfircoon hawlkar ah ayay dalbatay in si rasmi ah loogu daro ciidanka Cirka, markii ay ka niyad jabtay hawsha WAAf.  Muddo yar ka dib waa la dalacsiiyay waxaana laga dhigay kaaliyaha madax qaybta ciidanka cirka ee ay la shaqaynaysay. Wakhtigii ay ku jirtay tababarka waxa loogu yeedhi jiray Nora Baker.

Markii danbena Inyat khan waxa laga shaqaaleeyay Qaybta fulinta hawlaha gaarka ah ee Faransiiska. (Fr.  Section of the Special Operations Executive).  Horaantii Feberweri sanadkii 1943 ayaa loo wareejiyay wasaaradda hawada.

Wakhtigaasina waxa madax looga dhigay sirdoonka hawada (Air Intelligence), waxaana loo diray xaruntii Wanborough Manor oo wakhtigii dagaalka labaad ahayd meel si qarsoodi ah tababar dhinaca sirdoonka lagu bixin jiray.

Inkasta oo Inayat Khan uu si qotodher u saameeyay aqoontii iyo nabad jacaylkii ay abaheed ay ka heshay, haddana iyada iyo walaalkeed Vilayat  waxay taageero ka geysteen sidii loo jebin lahaa Nasi Jarmalka ee xadgud bayay.

Waxayna odhan jirtay “ Waxaan jecelahay inay  ku guulaysteen ciidanka India dagaalkan. Haddii qof ama laba ay sameeyaan taageero ay siiyaan isbahaysiga la dagaalamaya Nasiga Jarmalka waa mid geesinimo leh. Aniguna waxaan abuurayaa inaan noqdo biriishka isku xidha Ingriiska iyo  shacabka India”.

Sanadkii 1943 maalmihii 16/17 ayay ku hawlgashay magaca Madalein iyadoo kalkaaliso caafimaad iska dhigaysay madaama ay hore aqoon caafimaad u lahayd, taasi oo ay ka qaadatay  Ururka laanqayrta cas ee Faransiiska ( French Red Cross) sanadkii 1939.

Waxayna tagtay Parise iyada iyo laba gabadhood oo kala ahaa Dian Rowen oo sirdoonka looga yaqaanay Paulette isla markaana metelaysa Sheekhad dhinaca diinta ku dejinaysa ciidanka ( Military Chaplain) iyo gabadha Cecily oo magaceeda sirdoonka ahaa Alice  oo iyana ku hawlgashay Macalimad caafimaadka ah.

Waxay sadexdooduba ku biireen shebekadii dhakhaatiirta caafimaadka ee uu hogaaminayay Francis Suttila. .Dhamaantoodna sirdoonka Ingriiska ayay ka tirsanaayeen.  Inayat Khan ( madalein) waxay magaca ka soo qaadatay buugaagtii ay qortay waxayna ahayd gabadhii u horaysay ee aqoonta  isgaadhsiinta lahayd.

Muddo yar ka dibna sirdoonkii Jarmalka (SD) ayaa xidhay dhamaan dhakhaatiirta ku shaqaynaysa isgaadhsiinta oo ay ku jireen kuwii ururada shaqaalaha.

Kornayl Maurice Buckmaster oo ahaa madaxa qaybta, ayaa mar danbe sheegay in inkasta oo ay khatar ahayd haddana ay diiday Inayat Khan inay ku noqoto Ingriiska wakhtigaasi,  ka dib markii Jarmalku ololaha xidhxidhista bilaabay.  Inay sii Joogto Prise waxay si weyn dan ugu ahayd sirdoonka Ingriiska.

Madaama ay ahayd qofka keliya ee isgaadhsiinta yaqaan ee ku sugan Prise. Waxaana ay waday gudbinta wararka ay London u dirayso ee sirta ah.

Waxay hawsha sirdoonka waday iyadoo si weyn oo taxadar leh isu ilaalinaysa madaama la xidhay xubno badan oo ka mid ah kuwii ay wada shaqaynayeen. Wakhtigana iyadu waxayba tahay bartilmaameed iyo shakhsiga keliya ee ka tirsan sirdoonka Ingiriiska ee Jarmalku aad u raadinayo ka dib markii ay heleen warkeeda.

Saraakiisha Ciidanka sirdoonka Jarmalka (SD) ayaa amar ku bixiyay in laga soo raadiyo gabadhan Iniyat khan goobaha tareenada laga raaco si aanay u baxsan, iyo meel kasta oo loo tuhmayo lana soo qabto inta aanay fakan.

Saraakiisha sirdoonka Jarmalka oo wata gaadiidka lagu baadho soona qabta wararka ka socda war lalisyada ayaa si adag u dhex mushaaxayay magaalada si siraha ay tebinayso uu ugu soo dhaco war laliska gaadhiga ka dibna loo gaado goobta ay ku sugan tahay.

Inyat Khan marka ay goob uga gudbiso fariimaha sirdoonka Ingiriiska, isla markiiba way bedeli jirtay goobta waxayna u wareeegi jirtay meel kale.

Waxay si fiican u maaraysay wakhtigaasi inay ka badbaado in la qabto iyadoo haddana weli shaqadeedii basaasida ahayd iyo warbixinihii ay u diraysay London si aad iskaga wadata.

Waxay diiday inay ka tanaasusho mansabka ugu muhiimsan uguna halista badan ee Farance ay uga haysay sirdoonka Ingriiska, waxayna u qabatay shaqo fiican sirdoonka ay ka tirsnayd ee Ingiriiska.  Sirdoonka Jarmalku wuxu si cad u ogyahay Iniyat Khan iyo hawsheed wakhtigan ay wado, lamina garanayo qofka sida cad ugu sheegay. Waxaana laga yaab inuu sheegay Henri Dericourt oo magaca qarsoon ee sirdoonku Ahaa “ Gilbert” kaasi oo mar ka ahaa sarkaal sare ciidanka cirka ee Fransiiska. Wuxu ahaa qof aad looga shakisana inuu u sheqeeyo labada sirdoon.  Inayat Khan may ahayn qof  garasho iyo saaxiibtinimo gaar lagu qoray shaqada sirdoonka, laakiin waxay ahayd gabadh baahi loo qabay aqoontii luqada ee ay lahayd.  Ciidanka fulinta hawlgalada gaarka ah  ee Ingriiska iyo ciidanka qarsoon ee Ra’iisawaraaha Winston Churchill ayaa wakhtigaasi raadinayay dadka leh xirfadaha dhinaca luqada. Inayat Khan waxay si fiican ugu hadli jirtay luqadda Faransiiska, sidaas darteed ayaa loogu tababaray isgaadhsiinta oo looga shaqaaleeyay sirdoonka Ingiriiska, laakiin waxay muujisay geesinimo iyo inay tahay qof hawlkar ah oo ku haboon shaqada loo xushay.

Inkasta oo saaxiibadeedii Jarmalku xidhay iyadana la raadinayo haddana mar kasta waxay isku deyaysay inay warbixinteeda ugu tebiso sirdoonka Ingiriiska sida ay u suurtagal ugu noqoto.

Bishii October 13keedii,  sanadkii 1943 ayay sirdoonka Jarmalku gacanta ku dhigeen Inayat Khan, iyadoo wakhtigaasi gacanta ku haysay qalabkii ay warka ku diraysay. Gestapo oo ah gabadha soo qabatay ayaa ka faa’iidaysatay warkii ay ka diraysay war laliskeeda

Waxaana loo qaaday xaruntii guud ee sirdoonka ee lagu magacabi jiray 84 Avenue Foch  kun taalaly magaalada Paris halkaasi oo su’aalo lagu weydiiyay muddo bilo ah.  Inkasta oo ay diiday inay soo bandhigto kodhadhka iyo calaamadihii qarsoonaa ee sirdoonada ku sugan France, haddana Jarmalku wuxu ka helay macluumaad mihiim ah oo ku filan.Wixii intaasi ka danbeeyayna waxay ula dhaqmayeen sida maxbuus halis ah.

Madaxii hore ee sirdoonka Jarmalka (SD) Mr.Hans Keiffer ayaa ka marag kacay in aanay Inayat haba yaraatee bixin wax macluumaad ah, laakiin ay si joogto ah been ugu sheegaysay Jarmalka but lied consistently.   Waxa kale oo sirdoonka Jarmalku doonaya inay ogaadaan caruurnimadeedii iyo sidii ay usoo kortay si ay ugu dhib yaraato inay  helaan waxa ku kelifay inay noqoto basaasad geesiyada ah.

Inkasta oo Inayat Khan aanay marna ka sheekayn hawlihii sirdoon ee ay waday, haddana nasiib daro waxa u suurtagashay Jarmalku inay helaan Notebooks ay lahayd. Kuwaasi oo ay ku qoraayeen xeerarka sirdoonka. Waxa kale oo ay  buugaagtan ku wareejin jirtay (Copy) wax allaalale waxa fariin ay u dirto sirdoonka Ingrisiika (SOE), waxay ahayd tani qaladka ugu weyn ee ay samaysay.

Tababarayaashii sirdoonka Ingiriiska (SOE) ayaa sheegay inay ahayd qof dabeecad wanaagsan oo niyad fiican oo aan marna laga shakiyayn. Markii la qabtay waxay u dagaalantay si adag ilaa ay ka baqdeen saraakiishii sirdoonka SD ee Jarmalka.

Sida la tilmaamay way jireen jidh dil loo geystay Inayat, waxaana la sheegay in habeenkii jidh dil ay u geysan jireen ciidankii SS iyo SD ee Nasiga kuwaasi oo doonayayn inay si cad oo qiraal ah ugu sheegto macluumaadka Ingirisika. Ka dib markii ay isku dayday inay ka baxsato Jeelka aya lagu xidhay silsilada iyo weliba qol gaar ah oo ay keligeed ku xidhnayd.

Bishii September ayaa loo soo wareejiiyay Xarunta Dachau oo ahayd goob sida jeelka ah oo dadka lagu xidhi jiray, iyada iyo laba hablood oo kale. Subaxnimadii 13kii bishii September sandakii 1944 ayaa lagu toogtay xaruntaasi Inayat Khan iyo labadii saaxiib ee  la xidhnaa, kuwasi oo dhamaantood ka tirsnaa sirdoonka Ingriiska.   (Dhamaad)

war celin