Wararkii ugu dambeeyey ee wadahadallada madaxweyne Xasan Sheekh iyo Deni

0

Wararkii ugu dambeeyey ee wadahadallada madaxweyne Xasan Sheekh iyo Deni

Xogside Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ayaa sheegay in weli wadahadallo xasaasi ah ay madaxtooyada maamulka Puntland uga socdaan madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweyne Saciid C/laahi Deni.

Labada mas’uul ayaa weli waxa ay leeyihiin kulamo albaabadu ay u xiran yihiin, isla-markaana ay keli ku yihiin, kuwaas oo galay maalintii saddexaad oo xiriir ah.Wararkii ugu dambeeyey ee wadahadallada madaxweyne Xasan Sheekh iyo Deni

Wararka ayaa sheegaya in qodobada qaar ee ay ka wadahadlayaan Puntland iyo dowladda federaalka ah ay yihiin kuwa adag, waxaana aad u kooban xogta iyo macluumaadka laga heli karo shirarka u socda Xasan Sheekh & Deni maadaama ay saaxafadu dibad joog tahay.

Sida ay ogaatay xigasho (Caasimada Online) arrimaha adag waxaa ka mid ah awood qaybsiga dowladda federaalka oo ay horey dowlad goboleedka Puntland saluug uga muujisay iyo mashriicda Puntland loo soo mariyo dhanka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Xogaha kale ee aan heleyno ayaa sidoo kale sheegaya in madaxweyne Deni uu ka dalbaday Xasan Sheekh Maxmauud inuu laalo dhammaan xeerarkii dowladdii hore ee Farmaajo ay meel marisay, gaar ahaan kuwii ay ka hortimid Puntland,sida xeerka batroolka Soomaaliya.Wararkii ugu dambeeyey ee wadahadallada madaxweyne Xasan Sheekh iyo Deni

Kulamada ayaa weli sii socda, waxaa la filayaa in madaxdu ay soo saaraan warmurtiyeed ku aadan waxyaabaha ay ka wadahadlayaan, waa hadii ay gaaraan is afagarad buuxa.Wararkii ugu dambeeyey ee wadahadallada madaxweyne Xasan Sheekh iyo Deni

Safarka madaxweyne Soomaaliya ku gaaray magaalada Garoowe ee Puntland ayaa aad uga duwan kuwii uu horey Xasan Sheekg ugu tegay maamullada Koonfur Galbeed & Galmudug.

Si kastaba, Villa Soomaaliya ayaa horay u shaacisay in booqashada madaxweynaha ee Puntland ay qaada doonto mudo laba cisho ah, mudadaas oo xalay ku ekeyd, balse waxaa sii dheeraaday kulamada labada dhinac, taas oo keentay in wadahadalladu ay sii socdaan.

Wararkii ugu dambeeyey ee wadahadallada madaxweyne Xasan Sheekh iyo Deni

 

war celin