Wasaarada Ciyaaraha Ee Gobolka Saaxil Oo Daah-Furtay Tartan Ciyaareed

0

Masuuliyiinta wasaarada ciyaaraha ee gobolka Saaxil ayaa daah-furay tartan loogu magac daray koobka xaafadaha.

waxa koobkaas soo qaban qaabisay dawlada hoose ee degmada Berbera, maayar ku-xigeenka degmada Berbera Nuur Cabdi Jaamac ayaa sheegay in u jeedada koobkaas ay u qabteen ay tahay inay is dhex galaan dhalinyarada ku wada nool degmadaas, maadaama oo ciyaaruhu ay kaalin muhiim ah kaga jiraan horumarka dhalinyarada.

258027082 1542510306149242 8480683904556517774 n

Maayaar ku xigeenku wuxuu intaas ku daray in dawlada hoose ee degmadaasi ay abaal-marino guddoon siin doonto kooxda ku gulaysata koobkaas.

Geestoodana qaar ka mida  masuuliyiinka kooxaha uu koobkaasi furmay, waxaanay sheegeen in talaabadaasi tahay mid dhiirigelkin u ah ciyaartoyda uu tartankaasi u furmay ee xaafadaha kala duwan ee degmada Berbera.

258233191 1542510269482579 6418551495374848123 n

Ugu damabyn isuduwaha wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha ee gobolka Saaxil ayaa sheegay in tartankaasi uu dhexmari doono shan xaafadood ee ay ka kooban tahay magaalada Berbera ah, waxaanuu u mahadceliyay dawlada hoose ee degmadaas oo uu sheegay inay kaalin ka qaadato horumarinta ciyaaraha ee guud ahaan gobolka Saaxil.

Wasaarada Ciyaaraha Ee Gobolka Saaxil Oo Daah-Furtay Tartan Ciyaareed

 

war celin