Wasaaradda Caddaaladda Somaliland, ayaa Tababar u furtay xubno gobollada ka kala yimid oo loo carbinaayo in ay noqdaan tababarayaal hawladeennada xabsiyadda ku sii tababara hannaanka maamulka xabsiyadda iyo maxaabiista.

Xubnahan oo tiradoodu dhamayd 19 isla markaana ay ka mid ahaayeen jireen saraakiil Wasaaradda Caddaaladda u qaabilsan arrimaha xabsiyadda iyo xuquuqal-insaanka, ayaa tababarkan muddo shan maalmood ah uga socon doona hudheelka Maansoor ee Magaaladda Hargeysa.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caddaaladda Cabdiraxmaan Sh. Xasan oo tababarkaas furay, ayaa sheegay in xubnahan lagu tababari doono shuruucda maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ahba ee la dhaqanka maxaabiista iyo hannaanka maamulka xabsiyadda.

Agaasimaha Guud waxa uu sheegay in ujeeddada tababarku aanu ahayn in wax loo dhigo uun xubnaha, balse laftoodu ay khibrad iyo aqoon is waydaarsan doonaan.

Agaasimaha Waaxda Arrimaha Xabsiyadda iyo Xuquuqda Aadanaha Wasaaradda Caddaaladda , ibrahim Khadar ayaa tilmaamay in tababarkan ka mid yahay kor u qaadida aqoonta Ciidanka Asluubta, kuna salaysan yahay baahiyo ay soo gudbisteen Ciidanku.

Kornayl Cismaan Maxamed Xandule oo ah Hoggaanka Xidhiidhka Hay’adaha iyo kor-u-qaadida Aqoonta Ciidanka Asluubta, ayaa xusay in tababarkan ka qayb kanoqon doono kobcinta aqoonta ciidanka iyo dhaqan-celinta maxaabiista, isagoo la tababarayaasha kula dar-daarmay in ay ka faa’iidaystaan khubrada tababarka bixinaysa iyaga laftooduna kala faa’iidaystaan.

Madaxa hay’adda UNSOM ee Somaliland Simon Strachan, ayaa sheegay in tababarkan ahmiyad weyn ugu fadhiyo Somaliland, laguna qaadan doono shuruucda caalamiga ah ee ku saabsan maamulida iyo maaraynta xabsiyada iyo maxaabiista.

Xubnaha tababarkan dhammaysta, ayaa noqom doona kuwo goobaha shaqo ee ay ka yimaadeen hawl-wadeenada jooga ku sii tababara hannaanka maamulida xabsiyada iyo maxaabiista iyo shuruucda la xidhiidha.

war celin