Wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo weycigelinta ee Somaliland ayaa soo bandhigtay siyaasadda wada xidhiidhka Qaranka.

Waxaana kasoo qayb galay wasiirka wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wecyigelinta Somaliland, agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta iyo mas’uuliyiin ka kala socday wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda.

Ugu horreyn waxa goobtaasi ka hadlay agaasime waaxeeyada wasaaradda warfaafinta ee waaxaha qorshaynta, iyo wada xidhiidhka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo weycigelinta Somaliland, waxaana ay tilmaameen in wasaarad ahaan ay qayb weyn ka qaadanayaan sidii loo samayn lahaa siyaasadda wada xidhiidhka qaranka. Aqoonyahan Xuseen Dayr ayaa sheegay in dawladdu ay samaysato siyaasadda wada xidhiidhka Qaranku ay tahay siyaasad laf dhabar u ah in xukuumaddu ay difaacan karto waxkasta oo ay qabato, si aanay u dhicin in qoraallo kala duwan oo dhawr hay’adood oo dawladda ah kasoo kala baxay aanay u gelin warbaahinta dadweynaha,

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka Iyo Weycigelinta Somaliland Maxamed Yuusuf Ismaaciil ayaa sheegay in wasaarad ahaan ay qayb weyn ka qaadanayaan sidii qaranku uu u yeelan lahaa siyaasad guud oo ku saabsan wada xidhiidhka qaranka, waxaana uu tilmaamay in kulankan ay isugu yeedheen waaxaha xidhiidhka ee hay’adaha iyo wasaaradaha dawladdu uu yahay mid ay ku naaqishayaan isla markaan ay kusoo saarayaan siyaasadda guud ee wada xidhiidhka hay’adaha dawladda.

Waxaana uu intaas ku daray agaasimaha guud ee wasaaaradda warfaafintu inay hirgelin doonaan siyaasadda guud ee wada xidhiidhka qaranka markay soo baxdo.Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka Maxamed Xaaji Aadan Cilmi ayaa sheegay in baahi weyn loo qabo Siyaasadda Wada Xidhiidhka Qaranka Somaliland, waxaana uu sheegay inay soo dhaweynayaan markay siyaasaddaasi soo baxdo, isagoo uga mahdceliyay Wasaaradda Warfaafinta hindisaha siyaasaddaasi

Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Weycigelinta Somaliland Cabdiraxmaan Cali Cabdi ayaa sheegay in siyaasadda waxa xidhiidhka Qaranku ay ka taagerayso hay’adaha iyo wasaaradaha dawladda inay midnimo ka yeeshaan dhinaca xogta iyo xidhiidhka dibadda, isla markaana ay yaraynayso in dadweynuhu ay ku dawakhaan xog aan wada socon oo ay soo saaraan wasaaradaha dawladdu.

Wasiir ku xigeenku waxa uu intaas ku daray in wasaarad ahaan ay qaranka u samayn doonaan siyaasad wada xidhiidh oo qaranku muddo dheer ku shaqeeyo mustaqbalka.

war celin