Wasaaradda waxbarashada ee gobolka Saaxil iyo maamulka dawladda hoose ee Berbera ayaa markii ugu horreysay iska kaashanaya olole ay sheegeen in wax lagu barayo dadka waaweyn ee ku dhaqan gobolkaasi.

Ololahan ayay sheegeen inuu noqon doono mid bilaash ah oo ay ka faa’ideystaan dadka waaweyn ee aan waxna qorin waxna akhriyin hadda, xoghayha fulinta dawladda hoose ee degmada Berbera Cabdikariin Aadan Cadde ayaa sheegay in dawladda hoose ee degmadaasi ay diyaarisay dhammaan waxyaabihii aasaasiyaadka ahaa ee looga baahnaa in ololahaasi uu hirgalo.

Guddoomiyaha wasaaradda waxbarashada ee gobolka Saaxil Maxmuud Caynaanshe oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay mas’uuliyad dawladeed tahay in dadka lagala dagaalamo jahliga maadaama ay maanta wax waliba ay ku xidhany yihiin ayuu yidhi wax akhriska, waxaaana uu ku bogaadiyay ololahan maamulka dawladda hoose ee degmada Berbera.

Maayarka degmada Berbera Cabdishakuur Maxamed Xasan (Cidin) oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in dawladda hoose ee degmada Berbera oo kaashanaysa siyaasadda wasaaradda waxbarashada ee heer qaran iyo heer gobolba ay qorshaysay sidii wax loo bari lahaa dadka waaweyn ee aan nasiibka u helin waxbarashada ee ku nool degmadaasi. Isagoo xusay in shanta waaxood ee magaalada ay diyaar ku yihiin goobo dadkaasi wax lagu bari doono.

Gebo gabadii qaar ka mid ah mas’uuliyiinta guddiyada xaafadaha kala duwan ee degmada Berbera oo bartaas ka hadlay ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan ololahan wax lagu barayo dadka waaweyn, iyagoo sheegay inay ka qayb qaadan doonaan abuubulka waxbarista dadkaasi aan nasiibka u helin waxbarashada oo ah xaq uu leeyahay aadamaha oo dhami.

war celin