Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska ayaa qaar ka mida dugsiyada ku yaala magaalada Boorama u furtay tartan aqooneed dhex mari doona dugsiyada gobolka Awdal.

Tartankan aqooneedkaas ayaa waxa uu dhex mari doonaa sideed dugsi hoose dhexe oo ka mida kuwa ku yaala magaalada Boorama, iyadoo ardaydaasi ay ku tartami doonaan aqoonta ay ku dhigtaan manhajka waxbarashada ee Somaliland.

Guddoomiye ku-xigeenka Waxbarashada Gobolka Awdal, Aadan Faarax Maxamuud, ayaa soo tartan aqooneed ay masuuliyiin ka socday Wasaaradda Waxbarashada ee heer qaran ay u qabanayaan dugsiyada dawladda, waxaanu tilmaamay in tartankan looga gol leeyahay sidii kor loogu qaadi lahaa tayada Waxbarashada iyo isdhexgalka ardayda.

Agaasimaha Waaxda Daryeelka ee Wasaaradda Waxbarashada Ayaan Maxamed Amare, oo ka hadashay kulankaas ayaa sheegtay in tartankan ay Wasaaraddu ku qiimaynayso heerka waxbarashada ardayda dugsiyada dawladdu ay marayso. Waxaanay sheegtay inuu ka dhashay go’aan ka soo baxay madaxda sare ee Wasaaradda Waxbarashada.

Madaxa Qaybta maamul wanaagga ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska, Shaqale Axmed Xasan, ayaa sheegay in dugsigii ku guulaysta tartan aqooneedka Khamiista ka bilaabmaya Boorame la gudoon siin doono abaalmarin ay Wasaaraddu ugu talogashay.

war celin