Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Oo Furay Tabobar

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska ayaa taboboar u furay xoghoyayaasha dawladaha hoose ee 23 degmo doorasho oo dalka ah.Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Oo Furay Tabobar

Tabobarkan oo uu soo qaban qaabiyay maxadka dawladaha hoose ee Soamliland ayaa muddada uu socdo ay ku baran doonaan nidaamka wada shaqayneed ee dawladaha hoose iyo dawladda dhexe iyo xeerarka la xidhiidha adeegyada bulshada.

Agaasimaha maxadka dawladaha hoose ee Somaliland Iid Muuse Maxamed ayaa sheegay inay ka qayb qaatayaashu ay tabobarkan ku dhigan doonaan aqoon guud oo ku saabsan nidaamka xogta dawladaha hoose iyo wada xidhiidhkooda, agaasimuhu waxa uu intaas ku daray in sidoo kale ay ku korodhsan doonaan ka qayb qaatayaasha tabobarkani doorka ay ay xoghayayaasha fulintu ay ku leeyihiin dawladaha hoose.

Agaasimaha maxadka shaqaalaha dawladda ee Somaliland, guddoomiyaha guddida maamul wanaagga Somaliland, badhosaabka gobolka MaroodiJeex, Mayaar ku xigeenka Caasimadda Hargeysa iyo mas’uuliyiin ka socday hay’adaha caalamiga ah ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in tabobarkani uu wax weyn ku tari doono, haddii sidiisa ay u fuliyaan xoghayayaasha dawladaha hoose ee dalku, nidaamka wada xidhiidhka dawladda dhexe iyo dawladaha hoose.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Somalialnd ayaa sheegay in wasaarad ahaan ay ka go’an tahay sidii kor loogu qaadil ahaa aqoonta xoghayayaasha fulinta ee dawladaha hoose ee dalka, waxaana uu ugu baaqay ka faa’ideystayaasha in shaqadooda ay ku dabaqaan aqoonta ay korodhsadaan muddada uu socdo tabobarkaasi.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska ee Somaliland DrCabdixakiin Siciid Bustaale ayaa si rasmi ah u furay tabobarkaas, waxaana uu sheegay in wasaarad ahaan ay soo dhaweynayaan taboborrada caynkan oo kale ah, taasoo uu sheegay in qiimo weyn ay u leeyihiin dawladaha hoose ee dalka.

Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Oo Furay Taboba

war celin