Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashadda oo dalka ku soo laabtay Kadib Shir uu kaga qayb galay Gaana

0

Hargaysa Xogside:- Wasiir ku xigeenka wasaaradda Waxbarshada iyo Sayniska ee Somaliland C/xakiin Siciid Bustaale oo shir lagga hadlaayay hogaaminta kagga qaybgalay dalka Gaana ayaa dalka dib ugu soo laabtay.Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashadda oo dalka ku soo laabtay Kadib Shir uu kaga qayb galay Gaana

Shirkan oo laggahadlo hogaaminta dhalinyarada qaaradda Africa ayaa wasiir ku xigeenku mudadii uu socday waxa uu sheegay in uu la kulmay madax kala duwan oo Africa ah sida madaxweynihii hore ee Gaana Joon Makafuuli, oo wasiir ku xigeenka Gurigiisa ku qaabilay isla markaana ah ruug caddaa waxbadan ka og taariikhda Somaliland.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska ee Somaliland C/xakiin Siciid Bustaale, waxa uu sheegay in mudadii uu ku sugnaa magaaladda Akra ee Caasimadda Gaana uu la kulmay machadka ay ku midaysanyihiin Jaamacadaha dalkaasi iyagoo ka wadahadlay sidii Somaliland iyo Gaana u samaysan lahaayeen xidhiidh dhanka waxbarashadda ah.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashadda oo dalka ku soo laabtay Kadib Shir uu kaga qayb galay Gaana

war celin