Wasiirka Beeraha Somaliland  Oo Ka Qayb galay Daah furka Ceel biyood Riig Ah Oo Wasaaradda Biyuhu Ka Qodayso Duleedka Magaalada Baligubadle

0

Wasiirka Beeraha Somaliland  Oo Ka Qayb galay Daah furka Ceel biyood Riig Ah Oo Wasaaradda Biyuhu Ka Qodayso Duleedka Magaalada Baligubadle

Balligubadle (Xogside) – Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland Eng. Cabdiqaadir Iimaan Warsame, ayaa Maanta ka qayb-galay Munaasibad lagu Daah furay Ceel biyood Riig ah, kaasi oo Wasaaradda Horumarinta Biyuhu ka hirgelinayso duleedka Magaalada Balligubadle ee xarunta Gobolka Hawd.
Wasiirka Beeraha JSL Cabdiqaadir Iimaan Warsame oo halkaa ka hadlay, ayaa Wasiirka Biyaha Cali Xasan Maxamed (Cali mareexaan) iyo bahda Wasaaraddaasi ku bogaadiyey Ceelka Riigga ah ee Maanta qodiddiisa laga bilaabay duleedka Balligubadle.
Wasiirku wuxuu rajeeyay in Ceelkaa Riigga ahi noqdo mid hawsha qodiddiisa lagu guulaysto, si Mustaqbalka dhaw ay uga faaiidaystaan dadka iyo duunyada halkaa ku nooli.
Munaasibadda Daah furka waxa kale oo ka qayb galay Wasiirrada Arrimaha Dibedda Dr.Ciise Kayd Maxamuud, Wasiirka Wasaaradda Biyaha Cali Xasan Maxamed (Cali mareexaan), Xildhibaan Maxamed Xuseen Jaamac (Raambo), Maamulka Gobolka Hawd, ka degmada Baligubadle iyo Masuuliyiin kale oo tiro badan, kuwaasi oo iyaguna bogaadiyey Ceelka Riigga ah ee hawshiisa la bilaabay Maanta.

war celin