Wasiirka horumarinta jidadka oo soo kormeeray waddada isku xidha Hargeysa iyo Berbera

Wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka oo uu weheliyo Maareeyaha Hayadda Waddooyinka ayaa kormeer shaqo ku tegay dhismaha waddada isku xidha Hargeysa iyo Berbera.

Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Cabdirisaaq Ibraahin Maxamed (Ataash) iyo mas’uuliyiin kale ayaa warbixino ka dhegeystay Shirkadaha gacanta ku haya dhismaha waddadaasi, waxaana ugu horayn halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha guddiga dhismaha waddadaasi Injineer Ciise Yuusuf Xamar, oo sheegay in wasiirka ay xog ka siiyeen dhismaha waddadaasi halka uu marayo iyo wakhtiga ay dhammaan doonto waddadu.

Mawliid Nuux Ibraahin Maareeyaha guud ee Hay’adda Waddooyinka Somaliland Mawliid Nuux Ibraahin ayaa cidkasta oo wadadaasi ku safaraysa gaar ahaanna wadayaasha gaadiidka reer Somaliland ku booriyay inay sameeyan taxaddar lana socdaan calaamadaha loogu talagalay inay kala hagaan gaadiidka.

Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Cabdrisaaq Ibraahin Maxamed (Ataash) ayaa sheegay in waddadani ay tahay waddooyinka halbawlaha ah ee Qaranka, taasoo dekedda caalamiga ah ee Berbera ku xidhaysa waddamada jaarka ah.Geesta kale, wasiirku waxa uu ka hadlay dad uu  sheegay in muddooyinkii u dambeeyay inay wax ka sheegayeen horumarka Somaliland gaar ahaan dhanka mashaariicda waddooyinka, waxaana uu tilmaamay in taa baddalkeeda waqtigan lagu jiro aanu dalku u baahnayn hadal ee uu u baahan yahay waxqabad iyo hawlbadan.

Wasiirka horumarinta jidadka oo soo kormeeray waddada isku xidha Hargeysa iyo Berbera

war celin