Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Oo Kormeeray Mashruuca Waxsoosaarka Beeraha Ee Banka Wajaale

Togwajaale (XOGSIDE) – Wasiirka wasaaradda Horumarinta Beeraha Maxamed Xaaji Cismaan ayaa kormeeray mashruuca wax soo saarka beeraha ee Banka Wajaale.

Kormeerkan Wasiirka horumarinta Beeraha ee Somaliland waxaa ku wehelinaayay guddoomiye ku xigeenka gobolka Gebilay, madaxa mashruuca Banka Wajaale, Isuduwaha wasaaradda Beeraha Gebilay iyo qaar ka mid ah agaasimeyaasha waaxaha ee wasaaradaasi.Wasiirka wasaaradda Horumarinta Beeraha Maxamed Xaaji Cismaan ayaa kormeeray mashruuca wax soo saarka beeraha ee Banka Wajaale

Goobaha mashruuca wax-soo saarka ee Banka Wajaale oo ay masuuliyiintani booqdeen waxa ka socotay hawsha dalagyada loogu diyaarinaayo sidii loogu iibgeynlahaa suuqyada.

Isuduwaha Wasaaradda Horumarinta Beeraha ee Gebilay iyo Madaxa Wax-soosaarka Mashruuca Banka Wajaale oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay xiligan diyaartahay Gelaydii wadanka ka soo baxday taas oo la diyaariyay dadka reer Somalilandna ay ka faa’iidaysan doonaan.

Guddoomiye ku xigeenka gobolka gebilay Cali C/lahaai (Cali Case) ayaa sheegay in dalagyadan iyo kuwa ciidamadda kala duwan ee Banka Wajaale lagu Beeray Biyaha Roobka iyadoo haddii la sii xoojiyo qabsashada Biyah Roobka la hirgelinaayo mashaariic kuwan ka balaadhan.

Wasiirka wasaaradda Horumarinta Beeraha Maxamed Xaaji Cismaan, ayaa sheegay in qorshaha Xukuumadda Somaliland uu yahay in Banka Wajaale ku filaado cuntada dalka oo dhan waxaanu hawlwadeenadda mashruucaasi ku guubaabiyay in sanadka danbe la laban laabo mashruucan.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Oo Kormeeray Mashruuca Waxsoosaarka Beeraha Ee Banka Wajaale

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Oo Kormeeray Mashruuca Waxsoosaarka Beeraha Ee Banka Wajaale

war celin