Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Oo Kulan La Qaatay Safiirka Cusub Ee Iswidhan U Qaabilsan Somaliland Iyo Soomaaliya

0

Hargeysa (Xogside) – Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Oo Kulan La Qaatay Safiirka cusub ee Sweden U Qaabilsan Wadamada Somaliland Iyo Somaliya Amb. Per Lindgarde.Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Oo Kulan La Qaatay Safiirka Cusub Ee Iswidhan U Qaabilsan Somaliland Iyo Soomaaliya

Wasiirka wasaaradda qorshaynta qaranka Somaliland Cumar Cali Cabdilaahi ayaa sheegay in safiirkaas ay ka wada hadleen xoojinta xidhiidhka labada dawladood ee Somaliland iyo Sweden, kaas oo hadda meel fiican maraaya.

Wasiirka qorshaynta qaranka Somaliland Cumar Cali waxa kale oo sheegay in safiirkaas ay isla soo qaadeen sidii loo sii xoojin lahaa mashariicda dhanka horumarinta ah ee dawlada Sweden ay ka wado gudaha Somaliland.

Ugu dambayn wasiirka wasaaradda qorshaynta qaranka Somaliland Cumar Cali Cabdilaahi wuxuu sheegay in kulankaas arrimihii lagaga wada hadlay ay si fiican isula afgarteen, waxaanuu intaas ku daray in kulankaasi ahaa mid la iskula af-gartay in la sii joogteeyo mashaariicda dawladaasi ka wado Somaliland.

war celin